BALIGUBADLE MEDIA
Siyaasi Axmed Cali Muuse oo Sharaxaad Ka Bixiyay Qodobo Dastuuriya oo Madaxwaynaha Aan Xilka La Wareegin Ku Jabiyay Digreetadii uu Soo Saaray.
December 7, 2017 - Written by admin

Siyaasi axmed cali muuse oo kamida hogaankii sarre ee ururka xaqsoor ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qodobo dastuuriya oo uu jabiyay madaxwaynaha cusub ee somaliland muuse biixi cabdi

axmed cali muuse

axmed cali muuse oo baligubadlemedia ugu waramayay hargeysa ayaa sheegay in ay adkaan doonto sida muuse biixi loogu aamini karo ku shaqaynta sharciyadda dalka maadaama oo uu durba jabiyay qawaaniintii iyo xeerarkii u yaalay dalka.

isaga oo aan xafiiskii iyo xilwareejintii dalka loo dhaarin awood dastuuriyana aan u lahayn inuu digreeto madaxwayne qoro ayaa wuxuu magacaabay guddidii u magacaabisteeda sharciyadda u lahaa madaxwaynaha xilka ka sii dagaya ee isagu diyaarinaya xilwareejinta
waxa kale oo ayaan darro in muuse digreetadda sharci darrada ah ee uu shalay soo saaray ay tahay mid sharci darro ah waxaanse iswadiinayaa ma aqoon la’aan sharcibaa muuse haysata mise dastuurka jeegaanta ayaa sidan dhigaya waayo qawaaniinta dalka u yaala maba dhigayaan in madaxwayne aan xilkii la wareegin oo aan la dhaarin uu digreeto soo saaro

waxa umaddii somaliland ee isbedelka rajaynaysay maalintii shalay soo foodsaartay walwal iyo walaac ay ka qabaan mustaqbalka ka muuqata cidii taladda dalka loo dhiibay oo dariiqii sharciyadda durba ka weecatay waxay umaddu iswaydiinaysaa ma muusaa xilka wareejinaya mise wuu isku wareejinayaa maadaama oo uu meesha ka saaray cidii ku wareejin lahayd sida sharciyaddu dhigayso ee waafaqsan waraaqduu qoray wuxuu noqonayaa madaxwaynaha taladda dalka ka dagaya mudane siilaanyana madaxwaynaha la doortaybuu noqonayaa

waxa kalee oo umaddu aad ula yaabantahay in muuse isagoon xilkii la wareegin uu ku sii shaqaynayo xafiiska madaxwaynaha aan xilka ka tagin iyadoo aan wali xilka lagu wareejin
axmed cali muuse wuxuu tusaale usoo qaatay xadiis ka sugnaaday rasuulka NNKH xadiiskaas oo ku saabsanaa nin midh timira xaday oo rasuulku NNKH uu yidhi waar muxuu ka xadayay waabay u qornayde muu yara sugo.

waxa kale oo la yaableh inuu muuse ku tiraabayay aniga umaddu way ii simantahay waxaase ayaan darro ah in warqadii sharci darrada ahayd ee uu soo saaray uu guddidii uu ku dhawaaqay gudoomiye uga dhigay nin beeshiisa ah islamarkaana ay u muuqanayso in beesha habar awal ay beesha habar jeclo ka tirsanayso  kala tirsanayso agabkii qaranku lahaa.

waxa hubaala in beesha caalamku ay aragtida siyaasadeed ee dalka kaga qaadan doonto waraaqdaa shalay muuse soo saaray.

isku soo wada duuboo muuse biixi ayaa maalintii shalay soo saaray digreeto sharci darro ah oo meesha ka saaraysa dhaarta iyo xilwareejinta madaxwaynaha maadaama oo warqada uu muuse soo saaray tahay tii uu soo saari lahaa madaxwaynaha xilka ka dagaya

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS