BALIGUBADLE MEDIA
Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Oo Xukuumada Ugu Baaqday Inay Xoriyadooda U Soo Celiso Saxafiiyiin Xidhan
December 17, 2017 - Written by admin

-Xarunta xuquuqal Iinsaanka ayaa xukuumada somaliland ugu baaqday inay xoriyadooda u soo celiso saxafiyiin la xidhay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta xuquuqal Iinsaanka oo uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha xaruntaasi garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in xukuumadu sii deyso weriyeyaashaasi, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-

hrc

Cabdirisaaq Dayib Cali oo ka tirsan Haldoornews waxa la xidhay 5tii December 2017 iyad aoo la hor keenay Maxkamadda Gobolka Gabiley 7 December. Maxkamaddu waxaay rumaan garaysay todobo cisho.

Waxa lagu eedaynayaa waraysi lagu daabacay shabakadda Gabileynews.net. Waraysigaas oo gabadhi ay eedo ugu jeedisay duqa Gabiley, siday ay u xaqiijiyeen Xarunta

saraakiil dawladeed iyo Maxamuud Cabdi Jaamac, gudoomiyaha ururka suxufiyiinta ee SOLJA.

Cabdirisaaq wuxuu u sheegay Xarunta inaanu isagu daabicin oo qaadin waraysigaas oo aanu waxba ku qorin shabakaadaas. Sida uu sheegay, Cabdirisaaq wuxuu sameeyaa shabakadaha (websites) kadibna wuxuu ku wareejiyaa cidda leh. Sidaasdarteed, wuxuu sheegay inuu isagu sameyeey bogga balse aanu lahyn oo maamulin.

Wuxuu weli ku xidhan yahay xabsiga Gabiley.

8 October 2017 waxa Maxkamada Gobolka Hargeysa ay ku xukuntay suxufi Maxamed Adan Dirir 18 bilood oo xabsi ah. Qareenkiisa iyo qoyskiisa midna ma joogin dacwadda, sida uu noo sheegay qareenkiisa Mubaarig Cabdi. Dirir waxa la xidhay 16 September 2017 iyada oo lagu eedeyey cay iyo daabacid war been abuur ah oo la xidhiidha qoraalo la sheegay inay ku eedeyeen dugsiga gaarka loo leeyahay ee Noradin in falal anshaxa ka baxsan loola dhaqmo hablaha. Dhegaysiga rafcaan uu qaatay Dirir ayaa mudaysan Arabcada soo socota, 20 December 2017.

Waxaanu madaxwaynaha cusub, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ka codsanaynaa inuu xoriyadooda u soo celiso suxufiyiiintaas xidhan. Waa waajib ay dastuurka iyo xeerarka caalamiga ahi saarayaan dawladda inaan la cabudhin warbaahinta.

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland

COMMENTS