BALIGUBADLE MEDIA
Saami Qaybsiga Beelaha Somaliland
December 24, 2017 - Written by admin

Ilaa hadda Madaxweynaha musuqa iyo cunfiga kursiga ku fuulay ee Jeegaanta Baho Kulmiye keliya kalsoonida ka haysta ayaa magacaabay 33 xil oo isugu jira 23 Wasiir iyo 9 Wasiir-kuxigeen, iyo xilka Wasaarad la Caws iyo Muusleeyay oo uu ku tilmaamay Haayad laakiin aanu caddayn inay iskeed u Madaxbanaan tahay iyo inay Wasaarad hoos tegayso. Waxaa kale oo jirta Wasaarada Dibudejinta oon weli meelna lagu darin, Digreeto lagaga maarmayna aanu Madaxweynuhu soo saarin.

guun
Haddaba xilalkaas iyo sida uu Beelaha Somaliland wada dega ugu qaybiyay hoos ka eeg.
Xilalka Wasaaradaha waxaynu u kala saari doonaa kuwa A iyo B Grade ah taasoo muujinaysa muhiimada iyo miisaanka ay leeyihiin.
1) Habar Awal – 5 Wasaaradood waa marka lagu daro middan la Caws iyo Muusleeyay ee Duulista Hawada oo u dhiganta 21.74%.
Wasaaradahaas Waxaa Grade A ah 4 una dhiganta 17.4%
2) Arab – 2 Wasiir oo Grade B ah ama 8.7%.
3) samaroon – 3 Wasiir ama 13% oo 2 Grade A yihiin, halka 1 Grade B.
4) Habarjeclo – 5 Wasiir ama 21.74% oo 3 yihiin Grade A halka 3 ay yihiin Grade B. Waxaa intaas u dheer Wasiirka Dib u Dejinta oo iyana ah Wasaarad Grade A oo ay weli ku magacaaban yihiin taasoo ka dhigaysa 6 Wasiiradood ama 26%. 4 Wasaaradood ama 17.4% ayaa Grade A ah.
5) Garxajis – 4 Wasiir ama 17.4%, halka 2 wasaaradood ka yihiin Grade A, 1 Grade B ah.
Harti – 4 Wasiir ama 17.4% oo 2 Wasaarado Grade A ah yihiin halka 2 yihiin Grade B.
Ciise – 1 Wasiir ama 4.3% waana Wasiir Grade A ah.
ISKU DARKA QAYBTA GUUD
1) Jeegaanta – 10 Xil Wasaaradeed ama 43.5% haddii lagu daro Wasaarada Dibudejinta waxay isku noqonaysaa 11 Xil Wasaaradood ama 45.83%.
2) Somaliland inteeda kale – 13 Xil Wasaaradeed ama 54.16%.
Faraqa u dhexeeya Somaliland inteeda kale iyo labada Beelood ee Jeegaanta la baxay ayaa dhan 8.33%.
Bal aan ka eegno dhanka Beesha Dhexe iyo Beelaha kale siday isku yihiin.
I) Beesha Dhexe – 66.67%
II) Beelaha kale – 33.33%
Haddana aan bal dhan kale iska taagno oo eegno 16ka Wasaaradood ama 66.67% Beesha Dhexe heshay sida ay Qaybta u kala heleen.
A) Jeegaanta – 11 Wasaaradood ama 68.75%.
B) Beesha Dhexe inteeda kale – 5 Wasaaradood ama 31.25%.
Shaxda dhinaca Wasiir kuxigeenada bal aan iyana jaleecno.
1) Habar Awal – 1 ama 11.11%
2) Habarjeclo – 1 ama 11.11%
3 Toljecle – 1 ama 11.11%
4) Ayuub – 1 ama 11.11%
5) Arab – 1 ama 11.11%
6) Garxajis 2 ama 22.22%
7) Gabooye – 1 ama 11.11%
8) Harti – 1 ama 11.11%
Beesha Dhexe – 77.77%
Beelaha kale – 22.23%
Caddaalada iyo Sinnaanta uu Muuse Biixi Cabdi Baalaha Kitaabka Quraanka ku maray halkan ayaad nooca ay tahay ka dhugan kartaa.
Ilaahoow Aqoondarrona ha nagu cadaabin Eexna ha nagaga tegin.
La soco qaybaha dambe ee ARAGTI.
Maxammed Aw Yuusuf Xuseen Guun

COMMENTS