BALIGUBADLE MEDIA
Qudbadii Taariikhiga Aheyd Iyo Qiiradii Ku Ladhnayd Waa Ka Qiyaas-qaadashada Hogaaminta Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Faalo:- C.S.F(Jeesto).
December 23, 2017 - Written by admin

Madaxweynaha  haatan  la  doortey  ee  Jamhuuriyada  Somaliland  Mudane  Muuse  Biixi  Cabdi  ayaa  doraad  markuu  xilka  la  wareegayey  jeediyey  qudbadii  hogaamiyayaasha  taasi  oo  in  badan  gayigan  aan  laga  maqal  ama  aan  la  arkin  Marxuun  Madaxweyne Cigaal  dabadii,  Waxba  yaanen  ku sii  fogaan  arertee  aan  toos  u  bilaabo  faaladii  qudbadani  lahayd  iyo  nuxurka  nooga  dhex  bildhaamey,  Ileyn  siba  si  bay  dhaantaaye  tolaw  muxuu wa,aa  ku  baryey.

Qudbadani  waxay  luxday  shucuubtii  ama  shacaa,irtii  Bulshooyinkii  shaahidka  u  ahaa  iyo  waliba  kuwii  shaashadaha  ka  daawadey  haday  yihiin  shisheeye amabase  sokeeye, Hadaba  qiiroley  waa  qudbadii  hogaamiyaha  Somalilandne  Mudane  Muuse  Biixi  waxa  laysu  raacey  iney  aheyd  mid  malab-sameeya  ah  oo  ujeedooyin  fara-badan  xabaarsan ,  Fariimo  gooniyana  sida  kuwaasi  oo  falaadhoodu  ku  jihaysan  tahay  Beesha  Caalamka,  Bulshada  Somaliland,  Cadawga  Somaliland,  Iyo  Saaxiibada  gaarka  u  ah  Somaliland, Waxana  ka  dhex  muuqatey  hibada  hogaamiyaha.

Midan  lagu  waabariistey  ayaa  waxay  miish-miishtey  halkii  laga  filayey  ee  maqaamkeedu  ahaa  oo  noqonaysa  lexejeclada  uu  madaxweynuhu  ka  qabo  umadiisa,  dalkiisa, iyo  horu-marintooda  taasi  oo  suura-galnimadeedu  tahay  helitaanka  hogaamiye  daaqsin  geel  ka  il-duufa  ama  hilaadin leh waa  kaa  ka  uu  madaxweynaha  cusubi  shacabkiisa  u  sawirey  isagoo  qaab  dhaxal-gala   u  soo  dhigey,  Run  ahaantii  waxay  noqotey  tacajib  iyo  amakaak  iney  murtidaasi,  dareenkaasi,  damiirkaasi  ka  soo  baxo  dalkii  yaraa  ee  faqiirka  ahaa  iskana  liitey  xag  walba  dhican  dhaqaale  iyo  dhican  kaleba  waxaad  moodaysey  (U.S.A) oo  (John F.Kenedy)  uu  la  hadlo , Hada  waa  markaad  fiiriso  caqliyadeeda.

Intaa  hadaan  ku  af-meero  tayada  qubadii  tamarta  aheyd  Ee  Madaxweyne  Muuse  Biixi  Cabdi  xil  wareejinta  ka  jeediyey,  Waxa  xusid  mudan  maxay  daaraneyd  sidoo  kale  maxay  haatuf  sidey  adigaa  ku  haystee  qalin-yohow  waxay  na  daawadsiisey  filim  ah  in  laga  bilaa  “13Nov 2017”  dalkan  Somaliland  loo  kala  baxayo  shicib  iyo  dawlad oonu  jireyn  is  dhex  yaacii  marin-habawsanaa   ee  aan  dawladnimada  ama  dawlad-wanaaga  ku  qaalibney  oo  sharaftii  qaranka  iyo  tii  qoomka  Salel  Iyo  Taleex  inta  u  dhaxaysa  ku  nool  halaagi  gaadhey.

Waxa  dhamaan  laga  marag-kacay  iney  bilaaban  tahay  dawladnimo  isla  makaasina  ay  kala  duwan  yihiin  shacabnimada  iyo  dawladanimadu,  Laga  bilaabo  maalintii  madaxweynaha  jamhuuriyada  Somaliland  Mudane  Muuse  Biixi  Cabdi  uu  xilka  la  wareegay  waxa  u  sawirmey  umada  in   lagu  talaabsadey  wax  la  yidhaa  Dawladnimo  muuqata  sida  ku  cad-cad  awaamiirta  fulaysa  iyo  fariimaha  shacabka  iyo  shaqaalaha  dawlada  uu  kala  gaadhsiinayey  madaxweynuhu,  Xaqiiqatan  fulitaanka  amuurahan  iyo  kuwa  la  filayaaba  waa  waxaynu  u   dooraney  madaxweynaha  Jamhuuriyada  Somaliland  Mudane  Muuse  Biixi  Cabdi.

Hadaba  hogaamiyahani  ka  dib  markuu  gacanta  ku  hantey  hagitaanka  qaranka  jamhuuriyada  Somaliland  waxa  soo  if-baxay  ifa-faalooyin  aad  ka  dheehanayso  dawlad-wanaag  waxana  dhalisey  qudabadii  qiimaha  iyo  qaayaha  lahayd   ee  uu  hogaamiyuhu  xilka  kula  wareegay,  Waayo  dalka  dhamaantii  waxaa  hoos  u  dhacay  musuq-maasuqii  iyo  wax  is-daba-marintii  dalku  ku  caano  maaley  mudooyinkii  ina  soo  dhaafey,  Qudbadiisii  waxay  daawo  u  noqotey  in  boqolkiiba  sideetan  dalkii  laga  baqay  wixii  awel  lagu  dhacayey  fariintan  awgeed  waayo  waxaan   nahay  bulsho-hadal  ama  afeed  (Oral  Society),  sidaa  darteed  waxay  suura-galisey  qudbadii  hogaamiyuhu  in  la  baqo  oo  la  dareemo  saxmad  saameynteeda leh  laysuna  ciqaabayo.

Guntiyo  gaba-gabadii  taasi  waxaan  ku  cabirey  qudbad  uu  jeediyey  hogaamiye  aragti-fog  leh  kaasi  oo  umadiisa  meel  ka  dhaqaajin  karaya  isla  markaana  meel  kale  u  sii  rari  karaya,  Caadooyinka  dunidan  saameeyey  ayaa  waxa  ka  mid  ah  in  qudbada  hogaamiyayaashu  ay  dhaxalsiiso  bulshooyinkooda  mustaqbal  waaraya  ayna  ka  muuqato  wax  ka  baddelkeedu  hab-dhaqamada  ka  danbeeya  yoomkaasi,  Xaqiiqatan  maanta  ayey  hadaba  dawladayadii  Somaliland  ay  cagta  saartey  waana  mid  lagu  mahadiyo  Rabbi  Subxaana  Wa  Tacaalaa,  Mahadeeda  gaarka  ahna  waxa  mudan  Madaxweynaha  Jamhuuriyada  Somaliland  Mudane  Muuse  Biixi  Cabdi.

Qalinka:  C/raxmaan   Sayid  Faarax  (Jeesto).

Di[lomatic  Annalism.

Gabiley/Somaliland.

COMMENTS