BALIGUBADLE MEDIA
Qoramada Midoobay Oo Xayiraado Cusub Ku Soo Rogtay Kuuriyada Waqooyi
December 23, 2017 - Written by admin

Cod buuxa ayuu golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ku meel mariyey in xayiraado adag la saaro Kuuriyada Waqooyi, taasoo jawaab u ah tijaabadii dhawaan ay ku samaysay gantaalaha ballistigga.

uniyo

Qaraarka qabyada ah ee Qaramada Midoobay waddo waxaa ka mid ah in hoos loo dhigo shidaalka uu dalku dibadda u dhoofiyo 90%.

Shiinaha iyo Ruushka oo bahwadaag la ah Kuuriyada Waqooyi waxay u codeeyeen qaraarkaas.

Horeba dalkaas waxaa u saarnaa tiro xayiraado ah oo ay ku soo rogeen Maraykanka, Qaramada Midoobay, iyo midowga Yurub.

Xukuumadda Washington waxay Pyongyang xayiraado ku haysay tan iyo 2008, ayadoo la fariisiyey hantida shakhsiyaad iyo shirkado lala xiriirinayo barnaamijkeeda Nukliyeerka, waxaana kale oo

la mamnuucay in badeecado iyo adeegyo uu dalku dibadda ka soo waarido.

Nikki Haley oo ah safiiradda Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay waxay sheegtay in xayiraaduhu “ay yihiin farriin cad oo ku socota Pyongyang, kuwaasoo haddii la iska dhega tiro keeni kara ciqaabo iyo go’doomin dheeraad ah”.

Madaxweyne Trump ayaa isna soo dhoweeyey qaraarka. Bartiisa Twitterka ayuu ku qoray in dunidu rabto “nabad, ee aysan geeri rabin”.

Ergayga Shiinaha ee Qaramada Midoobay, Wu Haitao, wuxuu isna sheegay in codayntu ay muujinayso “mowqifka midaysan ee beesha caalamku ka taagan tahay arrinta barnaamijka hubka ee Kuuriyada Waqooyi”.

Qaraarkan ayaa ah kii 10aad ee la saaro Kuuriyada Waqooyi, maamulka madaxweyne Trump-na wuxuu sheegay, ka hor intii aysan qorin qabyo-qoraalka xayiraadahan, inuu doonayo in mushaakilkan loo helo xal diblomaasiyadeed.

Xayiraadaha cusub waxaa ku jira in:

Wax soo saarka waxyaabaha batroolka laga sameeyo lagu xaddido ugu badnaan 500,000 oo barmiil sannadkii, saliidda cayriinna 4 malyan oo barmiil sannadkii.
Dhamaan shaqaalaha u dhashay Kuuriyada Waqooyi ee dibadaha ka shaqeeya inay dalkooda ku laabtaan 24 bilood gudahood, lana xayiro ilaha lacagaha qalaad.
Waxaa kale oo xayiraad la saari doonaa waxyaabaha Kuuriyada Waqooyi ay dibadda u dhoofiso sida mishiinnada iyo qalabka korantada.

Sources:BBC Somali

COMMENTS