BALIGUBADLE MEDIA
Qisadii Jacayl ee Ku Dhacday Madaxwaynihii Masar Jamaal Cabdi Naasir ,Wakhtigii Dhalinyaro-nimadiisa W/Q.Mustafe Axmed Maxamed Geedi
December 14, 2017 - Written by admin

dhulka

Maanta waxan qormadan ku xusi donaa qisadii jacayl ee geesigii
qarnigii 20-aad ee dunida islaamka iyo umada carbeed,
jamaal waxa uu dhashay sanadkii-1918-kii waxa uu dhintay 1970-kii
Jamal cabdi nasir waxaa uu ka tirsanaa cidamadii milatariga ee dalka
masar,yaraantisii ayuu kamid noqday ciidamada dalka masar,

Jamaal waxa uu ka dhashay qoys dan-yar ah ,waxana uu
dhalinyaro-nimadii ku biiray ciidamadii dalka masar ,jamaal cabdinasir
inta aan ka maqlay tariikhdiisa ,waxa uu ahaa geesi uu dhashay nin
adaygnimo,waxa uu ahaa halayey go,aan adag oo ku dhiirasho badan,

Tariikhdiisu waxay ahayd dayax cad oo usoo baxay dunida islaamka iyo
halyeey ay ku fanaan umada carbeed,waxa uu ahaa hal abuur hal adayg
badan , ma jecli inan dhex-galo tariikhdii faca-waynayd ee jamaal ku
yeeshay arlada guud-keeda blse waxan xusi donaa qisadii jacayl ee uu
soo maray,

Jamal waxay saxiibo dhow ahyeen nin maal-qabeen ah oo magaciisa la
odhon-jiray cabdal xamiid oo asal ahaan kasoo jeeday iiran lkn ahaa
reer masar,inkasta oo uu c/xamiid ka waynaa hadana saxiibo dhow ayay
ahyeen jamal cabdi nasir oo wakhtiga dhalin-yaro ahaa isla markana
ahaa askari ka tirsan cidamada difaaaca ee dalka masar,

Maalin kamid maalmaha ayuu jamal, cabdal xamiid gurigiisa soo boqday
,halkaas oo uu si wanaagsan jamal c/nasir saxbkii ugu soo
dhaweeyay,wada sheekaysi iyo saxiibtnimo gacaltooyo ayay wadageen,

Blse mar kaliya ayaa waxa is badalay qalbiga jamaal iyo jawigiisa oo
wakhtigaa ku sugnaa.waxa shaah u keentay gabadh uu dhalay mr Cabdal
xamiid  oo aabaheed iyo saxiibkii shaah u keentay

Qacdii aragtidii kowaad ee uu jamal c/naasir isha ku dhuftay gabadha
saxiibkii waxa lagu taagay waran caashaq ,wuxuuna gabadha saxiibkii
uu qaaday dareen jacayl oo xad dhaaf ahaa,

Waxana qalbigiisa saaqday gabadha lagu magacabo taxiyaha oo ahayd
gabadh aad u qurux badan kuna kortay nolol qani ah iyo guri barwaaqo
,nolosha wanaagsan ee ay ku barbaartay waxa u wehelinayay quruxda ay u
dhalatay oo sida waranka ugu dhex baxay qalbiga geesigii islaamka iyo
dadka carbeed ,aabihii xoriyada carbeed sare u qaaday jamaal c/naasir

Jamaal waxa uu markasta soo booqon jiray guriga saxiibkii cabdal
xamiid ,sababta ugu wayn ee uu guriga u iman jiray wa jacaylka uu u
qaaday gabadha taxiyaha ee uu saxiibkii dhalay ,waa markii ugu
horaysay ee uu jacayl noocas ah uu ku dhaco jamaal ,

Jamaal wakhtigaas wa askari ka tirsan ciidamada dalka masar,dhaqaale
ahaan aad ayuu u hooseeya ,oo mushaharka uu qataa wa mid aad u yar
,mana haysto waxa dhaqaale ah ku filan xataa noloshiisa gaarka
ah,wuxuuna ka dhashay qoys aan waxba haysan

Waxaa uu ku dhaqaay arin geesinimo leh ,waxa uu toos uu wajahay
saxiibkii ,waxaana uu ka codsaday inuu siiyo inanta uu dhalay ee
taxiyaha c/xamiid,blse arinkaasi kama farxin saxiibkii oo werwer ayuu
galiyay,ma uu jeeclayn in  uu gabadhiisa siiyo jamaal cabdi
naasir,waxaana uu u arkayay nin aan damaanad qaadi karin
gabdhiisa,maadama aanu haysan wax dhaqaale ah,oo uu yahay askari yar
oo miskiin ah oo xataa noloshiisa aanu ku filayn mushaharka uu ka
qaato dawlada, wuxuu u arkayay nin askari ah oo noloshiisu aanay
dhaafsiisnayn xeryaha ciidamada ee ay ka jirto nolosha qalafsani lkn
hadana waxa uu ahaa saxiib ay aad isugu dhawyihiin.

Jamaal c/naasir saxiibkii wuu ka dareemay diidmada ka muuqata
wajigiisa arrintaasi welwel ayay galisay waxayna dab iyo hollac ku
hurisay qalbigiisa,

Cabdala xamiiid waxa uu u yeedhay wiilashiiisa kulan u gaar ah,intii
uu talada ku ogaa,waxa uu sheegay wiilashiisa in saxiibkii jamal
c/naasir uu waydiistay gabadhooda taaxiyaha , wuxuuna waydiyay
taladooda ,dhamaan wiilashii way ku gacan saydheen in gabdhooda uu
guursado nin askari ah oo isagii baahan,waxayna dhaheen ma damaanad
qaadi karo gabadheena nin mushahar aan isaga ku fiilayn dawalada ka
suga oo aan dhaqaale kale lahayn, arintaasina ay uga dhigantahay in ay
geeri ku tahay gabadhooda ku kortay barwaaqada, blse waxay isku raceen
iyagoo dhawraya saxiibtinimada dheer ee ka dhaxaysa c/xamiid iyo jamal
in gabadha iyada la waydiiyo waxa ay ka qabto guurka jamaal c/naasir?

Gabdhii aabaheed waxay ku tidhi aabe waan ogolahay guurka jamaal,
wanan aq-balayaa ,werwer kamay qabin nolosha adag ee jamaal wakhtigaas
ku jiray,waxayna kalsooni u muujisay iyo farxada jamaal c/nasir

Jamaal iyo taxiyaha waa la isa siiyay ,waxayna noqotay xaaaska jamaal
c/naasir ,inkastoo qoyskeedu aanay la dhacsanayn inay gabadhoodu
guursto askarigan jamaal.

Jamaal waxa uu ahaa geesi hal-adayg badan ,waxa uu ahaa hal-yeey
qarnigii 20-aad dunida islaamka u noqday hogaamiye ay ku fanaan,waxa
uu ahaa geesi ka nixiyay galadii dunida ku noolayd ,

Waxa uu ahaa nin ay hadalkiisa aad uga cab-sadaan madaxada reer
galbeedka ,waxa uu ahaa ninkii dhulka masar dib u xoreeyay  ee
kanaalka suways ingiirska ka caydh-saday,ninkii abaabulay dagaladii
lagu wiiqay awooda yuhuuda ,waxa uu ahaa ninkii magaca carbeed sare u
qaaday,waxa uu ahaa ninkii magaca islaamka sare u qaaday ,wuxuu noqday
madaxwaynihii dalka masar ,xaaskiisii taaxiyaha ee ay qoyskoodu nolol
xumada uga baqayeen waxay noqotay.marwada kowaad ee jamhuuriyada xooga
badan ee masar,waxay ku noolayd nolol aad u saraysa waxana magaceedu
ka bixi jiray warbaahinta dunida, may noqon kaliya hoyada caruurta
jamaal blse waxay noqotay hoyada jamhuuriyada masar.

Darajada kornayl ayuu gadhay isagoo dhalinyaro ah, waxa uu ahaa
sarkaal aad u maskax badan oo ku hamiya inuu malin uun la wareego
talada dalka masar iyada oo ay ciidanka ku jiraan sarakiil ka darajo
saraysa ,ka aqoon badan,kana waayo aragnimo badan ,dalkana ay ka
taliso boqortooyo aad u awood  badan,raganimada uu u dhashay ayaa uu
suurta galisay inuu abaabulo inqilaab isla markaana uu ku khamaaro
naftiisa, isagoo hogaaminya koox kornayl iyo sarakiil u badan ayuu
inqilaabay guud ahaan dalka masar ,waxaana uu xoog kula wareegay
talada dalka oo dhan isagoo meesha ka saray boqortooyadii,warbaahinta
dunida ayaa baahisay inuu boqortooyadii masar uu in qilaabay 34-jir
kornayl reer masar ah oo hogaminaaya sarakiishii reer masar sanadkii
1952-dii ,markii uu la wareegay awooda dalka waxa uu si kumeel gadh ah
talada dalka gacanta ugu galiyay general najiib isagoo shaki ka qabay
hadii uu markiiba madaxwayne isu dhaariyo in khalkhal kaga imaanayo
sarakiisha ka darajada saraysa ee ciidamada 2-sano kadib ayuu xilka
madaxwayne toos ula wareegay ,1954 ayuu noqday madaxwaynaha
jamhuuriyada masar,halkaas oo taxiyaha ku noqotay marwada qaranka
masar

Qoyska taxiyaha waligood maskaxdooda may galin inuu malin jamal noqon
dono madaxwaynaha dalka masar iyo dunida islaamka,saxiibkii mr xamiid
isna ma filayn lkn qoyskaas laftigiisa mucjiso ayay ku noqotay ,markii
ay maqleen in uu dalka masar uu  sii xoog ah ku inqilabay jamal oo uu
noqday madaxwaynaha dalka ay ku nolyihiin ee masar iyo iska leh
tallada masar.

Waligaa ninka rag ah ha ka qiimayn dhaqaalihiisa ee waxad ku qiimaysaa
maskaxdiisa iyo hadafka uu nolosha ka aaminsanyahay

Alaah mahad oo dhan iska leh dadaalka dheer u suurtagliyay jamaal
hogamiyihii dunida islamaka. una rumeeyay qisadii jacayl ee ku dhacday
iyo heerka uu ka gaadhay nolosha,

Waxan u mahadn-qayaa guud ahaan wabsite-yada qoraalkan baahiyay iyo
guud ahaan akhristaysha somaliyeed

Mustafe axmed Maxamed Geedi
[email protected]
burco-somaliland

COMMENTS