BALIGUBADLE MEDIA
Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo Isku Bedeshay Xaafad Beeleed + Waa Maxay Sababtu
December 20, 2017 - Written by admin

Madaxtooyadii Somaliland ayaa marqudha isku badashay xaafad beeli leedahay waxaana umaddu la yaabantahay sababta keentay in muuse biixi wakhti xaadirkan go’aan adag uga qaadan waayay in xarunta qasriga madaxtooyaddu tahay goob qaranku wada leeyahay waxa isku biyo shubtay beelaha jeegaanta waxaanay madaxtooyadii noqotay meel mansabyadeeda laga ilaaliyo inay qabtaan beelaha kale ee somaliland

kornayle muuse

ku darsoo hadda xaaladu way ka sii dartayba waxaanay maraysaa agaasimhii guud ee madaxtooyadda oo beesha kornayl muuse biixi ah , xoghayntiisa, madaxqaybeedka saxaafadda, iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee madaxtooyadda oo noqotay meel gaar ah u ah beesha muuse iyo jeegaanta

isku soo wada duuboo kornayl muuse biixi ayaa noqon doona madaxwayne xaafadeed hadii uu go’aan degdega qaadan waayo waxa kale oo taas ka daran isagoo dhawaan wasiir kale u soo kordhiyay beeshiisa taas oo masuuliyiinta beeshiisa ee xukuumadda xilka ka haysa ka dhigaysa 5 wasiir oo buuxa halka guud ahaan jeegaantu isku noqonayso wasiiro iyo ku xigeen 13 wasiir

waxaanay arrimaha ka soo baxaya xafiiska muuse biixi umadda ku noqdeen wax layabaa iyo anfariir qaadsiiyay taasoo meelaha dadku ku kulmaan marka aad tagto aad maqlayso dadka oo ku sheekaysana in dalkii la wada lahaa beelaha jeegaantu afgambiyeen muuse uu noqday madaxwayne xaafadeed .

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS