BALIGUBADLE MEDIA
Qaran Taaba-gala Iyo Dawladnimo Tamar Lihi Waxay Ku Dhismayaan Tayeynta Shaqaalaha Dawlada (Qualified Workers Are The Productive Of Nation). Qalinka: C.S.F(Jeesto).
December 31, 2017 - Written by admin

Qormadan  maanta  waxaan  ku  qaaraa-dhigi  doonaa  doorka  ay  ku  leeyihiin  Shaqaalaha  dawladu  xaqiijinta  nidaam  dawlad-wanaag ama  marin-habaabka  nidaamka  saxda  ah, Sida  kor  ku  xusan  qaran  taaba-gala  iyo  dawladnimo  tamar  lihi  waxay  ku  imanayaan  tayeynta  SHaqaalaha  Dawlada  u  adeega  oo  yagu  ah  hir-galiyayaasha  waxa  loo  baahan  yahay,  Hadaba  aan  isweydiino  SHaqaalaha  Dawaladu  waa  kuwee,  Waa  kuwa  halkee  ka  shaqaaya ama  waa  kuwa  noocee  ah.

“WAA  AYO  SHAQAALAHA  DAWLADU  ( WHO  ARE  THE  GOVERNMENT  WORKERS).”

Shaqaalaha  Dawladu  kuma  koobna  kaliyaata  shaqaala  hoosaha  Wasaaradaha , Hay,adaha  iyo  Wakaaladaha  dawlada  ka  hawl-gala ,  Balse  waxay  teedsan  yihiin  masuuliyiinta  haya  xilelka  aan  Digreeto  Madaxweyne  aheyn  wixii  ka  hooseeya  digreetadaasi  Madaxweynaha  waxa  la  yidhaahdaa  SHaqaale  dawladeed  kuwaasi  oo  kala  hoos  taga  Hay,adaha dawlada,  Wakaaladha  dawlada  ama  Wasaaradaha  Dawlada  Xil  ha  hayaan  ama  yaaney  xil  hayne  kuwani  ayaa  ah  shaqaalaha  dawlada  waa  kuwey  ku  aroorto  tayeyntu  si  loo  suura-galiyo  himilada  uu  qarankani  leeyahay,  Hadaba  Shaqaalahani  qaarkood  ayaa  masuuliyiin  ah ,  Sida  Agaamise-waaxeed-yada  Wasaaradaha  ama  Hay,adaha  dawlada,  Xog-hayayaasha  Dawladaha  Hoose,  Gudoomiyayaasha  Degmooyinka  aan  Aheyn  Degmo-doorashada  kuwa  lagu  magacaabo  iyo  ku-xigeenadooda iyo  dhamaan  wixii  ka  farcama  ee  farsamo-yaqaano  ah.

“DHAMAAN  SHAQAALAHA  DAWLADU  MA,AHA  SIYAASIYIIN  MARKA  LAGA  TAGO  QOLADAN  DIGREETADA  MADAXWEYNAHA  KU  TIMAADA  EE  LA  YIDHAA  (POLICY  MAKERSKA),  KUWAASI  OO  AH  GOLAHA  WASIIRADA  (COUNCIL  OF  MINISTERIES),  MAAREEYAYAASHA  HAY,ADAHA  DAWLADA  (GOVERNANCE  AGENCY  MANAGERS), BADHASAABADA  (GOVERNORS)  IYO  KUWA  AY  UMADU  SOO  CUGATO  OO  LAGU  MAGACAABO  GOLAYAASHA  DEGAANKA  (LOCAL  COUNCILKA).”

Markaan  isla  garaney  SHaqaalaha  caadiga  ah  ee  qarankani  iney  yihiin  kuwaasi  aan  kor  ku  soo  qaatey  looma  baahna  in  waxaan  shaqadooda  dhaafsaneyn  ay  qabtaan  ama  galaan,  Hadii  kale  waxa  meesha  ka  baxaysa  kala  danbeyntii  dawladnimo  ama  milgaheedii  mudnaa,  Arintani  waa  ta  kaliftey  inaan  qormadan  ku  booqdo  qodabkaasi  si  bal  loo  fahmo  muhiimada  ay  qaranka  u  leeyihiin,  Waxa  dastuuriyan  ah  in  shaqaaluhu  aaney  ku  milmin  siyaasada  ama  waji-ku-macaashka  balse  ay  gutaan  waajibaadka  qarankani  u  igmadey,  Dhinaca  siyaasadana  waxa  qaranka  u  qaabilsan  shaqaalahaa  siyaasiyiinta  ah  kuwaasi  oo  sidaan  xusey  lagu  kala  xushay  heerkooda  oo  ah  mid  dastuuriya  isla  markaana  ku  imid  afti  qarankoo  dhan  loo  dhan  yahay  xataa  muhandis  walaa  mufakir  dhamaan  reer  Somaliland.

Waxa  xusid  mudan  noocyadaa  kala  duwan  ee  shaqaalaha  hadii  aan  mid  walba  siino  doorkiisa  waxa  imanaysa  shaqo  qurux  badan  isla  markaana  fulitaankeedu  noqdo  damal  la  hadhsado,  Kuna  suntan  waxqabad  iyo  saameyn  Tabban  oo  ah  (Feed Backga  laga  rabbo),  Yadoo  laga  duulayo  in  Shaqaalaha  loo  kala  xadeeyo  shaqada  ama  loo  tilmaamo  waxa  ay  qabanayaan  runtii  ma  garan  la,a  shaqadooda  balse  intan  danbe  muddo  ilaa  todobba  sanadood  ah  dalkan  shaqadu  umey  qeexnayn  shaqaalaha  ka  shaqeeya,  Waxa  ka  dhinaa  booskii  ama  doorkii  (Jop  Descriptionka)  taasi  oo  ay  masuuliyadeeda  leedahay  Hay,ada  shaqaalaha  dawlada  jamhuuriyada  Somaliland,  Sababtoo  ah  iska  gudasho  waajibaade  waxay  hayeen  hawlo  kale  sida  shaqaale  siyaasi  ah  oo  dhex  dabaashey  (policygii)  aan  camalkiisa  aheyn  taasina  waa  khasaareyaasha  qaranada  curdinka  ah  dhadhiya  waa  marka  ay  isla  mulaaqanto,e.

XUBNAHA  SHAQADA  QARANKA  QAABILSANI  WAA  KUWEE,  DHINACA  KALE  KUWANI  WAA  QURUXDA  DAL  AMA  QARAN  LEEYAHAY.

Xubnaha shaqaalaha qaranka  ee  yagu  shaqada  quruxda  u  ahi  waa  farsamo-yaqaanada  kuwa  la  yidhaahdo  kuwaasi  oo  yaga  waajibkoodu  yahay  shaqayn  iyo  u  adeegid  qaranka  hawlaha  u  dhiibtey  waxana  ka  mid  ah  Agaamise-waaxeedyada  wasaaradaha  dalka ,  Gudoomiyeyasha  Degmooyinka  aan  aheyn  degmo  doorashooyinka  ee  (Villageka  ah)  ama  heerka  (Local  Councilka)  aan  gaadhin  ,  Xog-hayeyaasha  Dawlada  Hoose  ,  Agaasime-hoosaadada  Hay,adaha  dalka  waa  kuwan  hadaba  gacmaha  qaranku  ee  looga  baahan  yahay  khibrad,  fulin,  shaqo,  gudasho,  iyo  waliba  heegan  iney  u  galaan  shaqooyinkooda  xili  kasta  iyo  xaalad  kasta  waayo  waa  farsamadii  dalka  dhamaantii,  Loogama  baahna  xeerkoodana  uguma  jirto  siyaasadi  kaliyaata  waa  iney  tayo  yeeshaan  hawshooda  ay  ku  gudankaraan.

MALAB-SAMEEYAYAASHA  SHAQADA  DAWLADU  WAA  KUWEE ,  WAA  MAXAYSE  AWOODA  AGAASIMEYAASHU  AY  UGU  FILAN  YIHIIN  SHAQADA  QARANKA, (DIRECTOR  GENERALS  ARE  THE  TECHNOGERY  GROUPS  THAT  IMPLEMENTED  FUNCTION  OF  NATION).

Kooxdani  waa  kuwa  ugu  muhiimsan  SHaqada  qaranka  waxay  yagu  dajiyaan  dhamaan  hawl-galada  shaqaalaha  ay  ku  hawlan  yihiin  waxa  gacmahooga  ka  soo  fula  habsami  u  socodka  qorshayaasha  qaranka  kuwaasi  oo  ay  inta  badan  cabirkooda  hayaan,  Waa  rukniga  ugu  mudan  hawl-wadeenada  qaranka  waxana  lagu  magacbaa  hagayaasha,  dajiyayaasha  ama  sooh-dimaha  unka  gaabebka  qaranka  hawl-galkiisa,  Farsamo-yaqaanadani  yagu  waa  Digreeto  Madaxweyne  laakiin  ma,ha  siyaasiyiin  waa  curadada  shaqaalaha  qaranka  waana  laf-dhabarta  hawlaha  qaranka  u  qorshaysan.

Hadaba  waxaan  talo  ahaan  soo  jeedinayaa  hadii  la  rabano  in  qarankani  maanta  noqdo  sida  kuwa  aynu  hiigsanayno  waa  in  la  helaa  shaqaale  taba-baran  oo  garanaya  waxay   qaranka  u  hayaan  oon  ku  mashquulayn  waxaan  shaqadooda  ahayn,  isla  markaana  leh  tayo,  tamar,  iyo  taxarin  ay  u  hayaan  boosaska  ay  joogaan  si  aan  u  xaqiijino  himiladeena,  Waa  in  lagu  dadaalaa  in  shaqaalaha  qaabeb  casriya  loo  soo  kordhiyo  oo  Systemyada  caalamka  la  jaan-qaadaya  si  ay  yaguna  hawshooda  ugu  raaxeystaan.

Qalinka:  C/raxmaan   Sayid  Faarax  (Jeesto).

Diplomatic  Annalism.

COMMENTS