BALIGUBADLE MEDIA
Nin Mareykan ah oo u baxsaday Kuuriyada Waqooyi oo dhintay
December 12, 2017 - Written by admin

skeri ka mid ahaan jiray ciidamada Mareykanka oo u goostay dhanka Kuuriyada Waqooyi, ka dibna 40 sanno u xirnaa maamulka Pyongyang ayaa dhintay.

Charles Jenkins, oo 77 sanno jir ahaa, ayaa qoyskiisa kula noolaa Japan, ka dib markii la sooaayay, 2004-tii.

hhhh

Wuxuu ka mid ahaa afar askeri oo Mareykanka ka baxsaday 1960-maadkii, ka dibna wuxuu noqday jilaayaal caan ka ah aflaanta Kuuriyada waqooyi, balse keligii ayaa ugu dambeyn la sii daayay.

Nin kale oo ka mid ahaa afartaasi qof ayaa la sheegay in uu ku dhintay Kuuriyada Waqooyi. James Dresnok ayaa lagu soo warramay in uu dhiig-kar u dhintay, 2016-kii.

Charles Jenkins wuxuu Isniintii ku dhintay jasiiradda Sado, halkaas oo uu kula noolaa xaaskiisa, Hitomi Sago, oo iyadana mar maxbuus u ahayd Kuuriyada Waqooyi.

Wuxuu u dhintay xanuun dhanka wadnaha ah, sida warbaahinta Japan ku warrameyso. Xaaskiisa oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in ay “ka naxday geeridiisa”, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP.
Qorshihii qaldamay

Mr Jenkins wuxuu aaday meel aan xaaladdeeda wanaagsanayn, wuxuuna nolol adag kala kulmay Kuuriyada Waqooyi, sida uu ku sheegay wareysiyo lala yeeshay.

Sannadkii 1965-tii, xilli uu ku sugnaa xerada ciidamada Mareykanka ee Kuuriyada Koonfureed, Mr Jenkins wuxuu go’aansaday in uu askarta ka dhexbaxo, wuxuuna u baxsaday dhanka Waqooyiga. Wuxuu xilligaas ka baqayay in ay dilaan ciidamada ilaalada xadka xilliyada uu kormeerka sameynayo, ama in loo diro dagaalkii Vietnam.

Kuuriyada Waqooyi oo “xadday qorshaha duullaanka” Mareykanka
Trump oo markale u digay Kuuriyada Waqooyi
Kuuriyada Waqooyi: Trump “eey ciyay kama duwana”

Wuxuu sheegay in uu filayay in safaaradda Ruushka uu magangelyo weydiista ka dib marka uu Pyongyang gaaro, ka dibna uu Mareykanka ku noqdo.

Habeen uu si aad ah isu daroogeeyay wuxuuna ka gudbay xadka, ka dibna wuxuu isu dhiibay ciidamada Kuuriyada Waqooyi, sida uu sheegay Mr Jenkins. Wuxuu xilligaasi ahaa 24 sanno jir.

Laakiin, Ruushka ma aysan ogoleyn in ay megengeliyaan dadka Mareykanka ah, wuxuuna ku sii jiray xabsiga Kuuriyada Waqooyi.

“Waxaan u maleynayaa in aan doqon ahaa. Alle hadduu samada joogo, halkaas buu i geyn lahaa,” ayuu yiri Mr Jenkins oo 2005 wareysi siiyay warbaahinta CBS.

Waxaa raggaasi lagu qasbay in ay wax ka bartaan hoggaamiyihii hore Kim Il-sung oo ay bareen turjumaadda iyo luqadda Ingiriiska.

Waxay sidoo kale noqdeen dad la yaqaano ka dib markii ay jileen filim ay Kuuriyada Waqooyi ku dacaayadeysay reer Galbeedka. Waxay metelayeen xumaanta iyo shirqoollada reer Galbeedka.

Mr Jenkins wuxuu sheegay in la garaaci jiray, sidoo kale in jirkiisa lagu sameeyay tijaabooyiin dawo oo mararka qaar ahaa xadgudub naxariis darro ah. Waxay ahayd khibrad uu Mr Jenkins ku qeexay sida “cadaabta”.
“Kuuriyada Waqooyi waxay dooneysay in aan dhinto”

Qoyskiisa waxay degeen jasiiradda Sado ee Japan halkaas oo ah meesha ay ka soo jeedo xaaskiisa Ms Soga. Markii la sii daayay ka dib wuxuu shaqo ka helay beer loo dalxiis tago oo ku taalla jasiiraddaas.

Balse wuxuu dhibaato kala kulmay laqabsiga dunida casriga ah ka dib markii uu sannado badan ku xirnaa dal go’doonsan.

Wuxuu sheegay in uusan weligii kombuutar taaban, wuxuu sidoo kale la yaabay in uu arkay dumar badan oo ciidamada ku biiray iyo dad madow ah oo boolis ah, sida ay baahisay CBS.

Wuxuu ku xanuunsaday dawooyiinkii jirkiisa lagu tijaabiyay intii uu ku xirnaa Kuuriyada Waqooyi, cisbitaal ayaana la seexiyay ka dib markii la soodaayay, sida uu ku sheegay wareysigii ugu dambeeyay oo wargeyska Los Angeles Times uu ka qaaday bishii August.

Inkastoo meel amni iyo xor ah uu ku noolaa, Mr Jenkins wuxuu ku jiray cabsi uu ka qabay Kuuriyada Waqooyi. Wuxuu si joogto ah uga baqayay in isaga iyo qoyskiisa la dilo.

“Kuuriyada Waqooyi waxay dooneysay in aan dhinto,” ayuu u sheegay Wargeyska Los Angels Times.

source:bbc

COMMENTS