BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo Guddidii Ugu Horaysay ee uu Magacaabo Gudoomiye Uga Dhigay Masuul Beeshiisa ah.
December 6, 2017 - Written by admin

Madaxweynaha  la doortay  ee jamhuuriyada somaliland ayaa goor dhawayd magacaabay guddi qaabilsanaan doonta xil wareejinta madaxtinimada dalka.

muuse

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray  ku sheegay inuu guddidan magacaabay ka dib markii uu la tashaday madaxweynaha uu xilka kala wareegayo ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan

Ujeeddo: Magacaabista Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah.

Kadib markii aan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Kadib markaan xaqiiqsaday muhiimadda xilliga kala-guurka ah; waxa loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay noqdaan Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah.

Xubnaha Guddidu waxa ay kala yihiin:

1. Dr. Sacad Cali Shire – Guddoomiye

2. Maxamed Kaahin Axmed – Xubin

3. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon – Xubin

4. Maxamuud Xaashi Cabdi – Xubin

5. Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare – Xubin

6. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar – Xubbin

7. Eng. Xuseen Ibraahim Xasan Buuni– Xubin

8. Eng. Ibraahim Daahir Dubad – Xubin

9. Yuusuf Maxamed Cabdi – Xubin

Masuuliyadda Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurku waa diyaarinta iyo hagista dhammaan hawlaha xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah iyo goobta xil-wareejinta. Muddada xilka Guddidu waxa uu ku kooban yahay ilaa maalinta xil-wareejinta.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi,

Madaxweynaha La Doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS