BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi Gacanta Dawladda Maku Soo Celin Doonaa Warshadii Laydhka Dawladda ee Xukuumadii Hore Sifadda Sharci Darradda ah U Xaraashtay?
December 3, 2017 - Written by admin

Xukuumadda Sii Dhacaysa ee Madaxwayne Siilaanyo ayaa tan iyo intii ay taladda dalka haysay waxay si ba’an u boobtay hantidii qaranka iyadoo sifooyin sharci darro ah ku xaraashtay dhamaan dhismayaashii dawladda iyo haayado waawayn oo bulshadda u hayay adeeegyo aasaasi ah islamarkaana ay lahayd dawladdu kuwaasoo lagu wareejiyay gacanta ganacsato calooshood u shaqaystayaal ah oo aan dalka iyo dadka midnaba lexlo jeclo ka lahayn.

warshada laydhka hargeysa

goobaha muhiimka ah ee gacanta dawladda laga faro maroojiyay islamarkaana u gacan galay ganacsatadda waxa kamid ahaa warshadda laydhka hargeysa oo ay maamulkeeda iyo mulkiyadeedaba lahayd dawladdu islamarkaana kamid ahayd haayadaha shaqeeya ee dawladda waxaan xusid mudan in warshadani balbawle u ahayd bulshadda caasimadda kuwaas oo ka heli jiray adeeg laydh oo tayo wanaagsan leh islamarkaana qiimo naasila dadku ku helo jireen wuxuu kamid ahaa adeegyadda naadirka ah ee bulshaddu ka hesho dawladda waxaase haayadan xaraashay islamarkaana sifo sharci darro ah ku wareejisay xukuumaddii musuqa iyo boobka ee somaliland soo marta taas oo ah xukuumaddan wakhtigeedu dhamaaday.

isku soo wada duuboo madaxwaynaha cusub ee somaliland oo inta badan ku celceliya inuu dalka ka badbaadin doono boobka hantida qaranku go’aan cad maka qaadan doonaa inuu gacantii dawladda dib ugu soo celiyo warshadii laydhka hargeysa oo ahayd haayad shaqo muhiima u haysay qaranka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS