BALIGUBADLE MEDIA
Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo Safar Degdega Ugu Baxay Dalka Kenya
December 3, 2017 - Written by admin

Murashixii madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa safar ugu baxay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

ciroooo

Cabdiraxmaan-cirro oo tan iyo markii ay doorashada madaxtooyadu qabsoontay, laguna dhawaaqay inuu doorashada ku guulaystay murashixii KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ku sugnaa Hargeysa ayaa doraad safar ugu baxay dalka Kenya. Safarka Cirro oo aanu xisbiga Waddani wax war ah ka soo saarin ayaa la sheegay inuu yahay mid shakhsi, waxaana weheliya qoyskiisa.

Cabdiraxmaan-Cirro ayaan saxaafadda la hadal, waxaana isagoo warbaahinta la hadlay ugu dambaysay habeenkii natiijada lagu dhawaaqay oo uu sheegay inuu danta guud ee qaranka darteed u aqbalay natiijada doorashada oo uu sheegay in madmadow badani ku jiray.
Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi iyo murashixii uu ka guulaystay Cabdiraxmaan-cirro ayaan yeelan kulan fool-ka-fool ah marka laga reebo xabaal dusheed oo ay salaam isla holadeen.
Lama oga in Cirro soo laaban doono oo uu ka qayb geli doono xafladda caleemo saarka madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi oo qabsoomi doonta 13 December.

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS