BALIGUBADLE MEDIA
Murrashaxii Madaxwaynaha Xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabanaya
December 16, 2017 - Written by admin

Murrashaxii xisbiga WADDANI ee ka qayb galay doorashadii madaxtooyada Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” oo ku dhawaaqista natiijadii doorashadii kadib safar ugu baxay dalka Kenya gaar ahaana magaalada Nairobi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabanaya.

ciroooo

Dr Cabdiraxmaan Cirro murrasaxii xisbiga WADDANI ayaa lagu wadaa inuu galabta galinka danbe kasoo dago gagida diyaaradaha ee Cigaal,waxaana soo dhawaynta murrashax Dr Cabdiraxmaan Ciro shalay ilaa saaka laga dareemayaa gudaha caasimada Hargeysa.

Murrashax dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa la filayaa inuu warbaahinta la hadlo kana hadlo xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Kornayl Muuse Biixi Cabdi.

Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka qayb galin xafladii caleemo saarka Kornayl Muuse Biixi Cabdi,isaga oo safar ugu maqnaa dalka Kenya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS