BALIGUBADLE MEDIA
MUDANE MADAXWEYNE WASIIRKA AAD U SOO MAGACAA BAYSID WASARADA XANANADA XOOLAHA WAA INUU NOQONKARA NIN BURBURIN KARA SILSILADA MUSUQMASUQ EE ILAA GOBOLADA TAXAN.
December 9, 2017 - Written by admin

Anigoo ka mid ah dadka jecel in bulshada xoolo dhaqatada ah la gaadhsiyo adeega ay wasaaradani u qaabilsan tahay lana hormariyo nidaamka dhoofka xoolaha waxa haboon in la burburiyo nidaamka silsilada ah ee musuq maasuq ee ka jira wasaaradan. Ugu horeyn waxa haboon in wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud ee aad soo magacabeysa ay noqdaan dad daacad u ah shaqada loo soo igmado. Waxan jira rag wasaradan waaxyaheeda mudo badan joogay kuwaas oo ganacsatada  xoolaha dhoofisa qaarkood ay u  joogan wasarada, tusaale ahaan ganacsade aanan Balkan magaciisa ku xusayn   oo ah raga burburiyey wasaarada xoolaha waxaa u jooga agaasime waaxed isku xidhe u ah masuuliyinta la soo magacaabo iyo ganacsadahaa wixi khaladaad iyo sharci daro ahna isaga u qaabilsan .

Waxa kale oo jira waaxda maamulka iyo lacagta ee wasarada waxa jooga nin lix iyo toban sano joogay, waa ninka suurto geliya musuq maasuqa ugu xun ee ka dhaca wasarada. Tusaale waa ninka dhakhaatir aan shaqo tegin magacooda kula baxa habeen dhaxyada miisaniyada dawlada ugu jira wasaarada isaga oo fahan siya agaasimaha guud in ay fududahay la bixista kharashkaas. Taas waxaa dheer in sanad kasta lala baxo lacagta miisaniyada ugu jirta daawoyinka xoolaha ee wasaarada qiyaas ahana dhan $ 100,000. Waxa iyana xusid mudan  in miisaniyada gobolada togdheer, saaxil iyo maroodi jeex in dub loogu celiyo wasiirka iyada oo isuduwe yaasha goboladasi ay fududeeyaan hawshaa. Waxaa kale oo jira in mashaaricda hayadaha caalamiga ah ee wasaaradu wado ay si toosa u musuqaan madaxda sare ee wasarada sida wasirka, ku xigeenka, agaasimaha guud iyo dhamaan madax waaxeedada wasaaradu iyagoo la heshiya cida masuulka ka ah hayadaas.

Waxaa iyana la yaab ah in nimankaa musuqa isu bahaystay ay cadaadis iyo cagajugleyn ku hayaan shaqaalaha wasaarada ee jecel in bulshada wax muuqda loo qabta ama ka hadla dhaqanada bilaa tudhaalaha ah ee axmaqnimadu ku jirto. Madama arimahaas iyo in badan oo qoraalkan aan ku xusneynin jiraan,  tahayna sababaha ugu waaweyn ee horumarka  inaga hortaagan  waxaa mudane madaxweyne muhiim ah in wasiirka xanaanada xoolaha iyo agaasimeheeda guudi ay ahaadan dad adag oo silsiladaa burburin kara si musuqa loola dagaalamo ilaa heer gobol oo aanay noqon qaar ku shaqeeya wadada madaxdii hore ay ku fashilmeen taas oo ay hagayeen agaasime

waaxeedada wasaarada qaarkood.
Qore:  kacaan maxamed garaad.

E-mailE-mail:[email protected]

COMMENTS