BALIGUBADLE MEDIA
Maxkamada Sare Ee Maraykanka Oo Taageertay Go’aankii Madaxweyne Trump Ee Xayiraada Socdaalka
December 6, 2017 - Written by admin

Maxkamadda sare ee dalkan Maraykanka ayaa ku dhawaaqaday go’aan guul u ah madaxweyne Trump.

Maxkamadda sare ee maraykanka ayaa go’aan ku gaartay in uu sharci yahay go’aankii xayiraada dhinaca socdaalka ee uu madaxweyne Trump soo saaray.

united states

Ammarka madaxweynaha Maraykanka ayaa saamaynaya dadka ka imanaya dalal 8 ah oo ay 6 ka mid ah muslimiintu u badanyihiin kuwaasi oo ay Soomaaliya ku jirto, waxaana ka mid ah dalalkaasi Chad, Iran, Libya, Kuuriyada Waqooyi, Syria,Venezuela, iyo Yemen.

Source:-VOA

COMMENTS