BALIGUBADLE MEDIA
Maxamuud Xaashi oo Xilli uu Todoba Cisho Ka Maqanyahay Qasriga Madaxtooyadda Qorshaynaya Dabino Siyaasadeed oo uu U Maleego Madaxwaynaha Somaliland.
December 22, 2017 - Written by admin

wasiirkii hore ee madaxtooyadda somaliland maxamud xaashi cabdi oo isagu muddo todoba sanno ah awood siyaasadeed ku lahaa xukuumaddii hore ee madaxwayne siilaanyo ayaa isagu bilaabay inuu durba isagoon todoba cuishaba ka sii maqnayn xarunta qasriga madaxtooyadda somaliland uu isku dayo inuu dabino siyaasadeed u maleego madaxwaynaha cusub ee somaliland mudane muuse biixi cabdi oo isagu ah masuul saamayntiisa leh islamarkaana waayo aragnimo siyaasadeed ka soo qaatay wakhtiyo iyo waayo fara badan oo uu soo maray.

Maxamuud Xaashi

dhanka kale wasiir maxamud xaashi oo muddo badan dhibaato ku hayay madaxwayne muuse biixi islamarkaana kamid ahaa ragii awooda dawladeed ku curyaamiyay madaxwaynaha cusub wakhtigii xisbiga ayaa haddana isagoo awooda maalmo ka sii maqan u dulqaadan kari la’ camal la’aanta suuqa ee qayrkii 7 sanno iyo in kabadanba soo joogeen isagoo awood dheeri ah uga bartay dawladii adeerkii

maxamuud xaashi ayaa maalmahan  huteeladda hargeysa ku shirinayay qaar kamida wasiiradii xukuumadda siilaanyo ee uu isagu ku shaqaysan jiray kuwaas oo uu u bandhigay qorshe uu ku doonayo damaca ka haya kursiga hogaanka xisbiga waxaana maxamuud xaashi iyo kooxdan yar ee uu ku shaqaystaa isla garteen inaay cadaadis xoog leh la yimaadaan walaw ay sheegeen inaan cidina ka aqbalayn in arimahaas wakhti xaadirkan laga doodo maadaama oo dhawaan uun doorashadii laga soo baxay madaxwaynuhuna aanu si wanaagsanba uga soo fara xalan xukuumadiisii oo aanu jaanisba u hayn hawlahaas

xubnahan wasiiradda ah oo aan wax saamayn ah ku dhex lahayn bulshadda ayaa saamantii ay ku dhex lahaayeen umadda lumiyay wakhtigii ay xilalka wasiirnimo ka hayeen xukuumadda siilaanyo oo intooda badani ay balamo wada beena u bandhigeen umadda kuwaas oo markii dambe beenoobay waxaana xusid mudan inaanu jirin mid bulshadda wajihiisa horgayn karaa balamaha beenoobay ee ay umaddu ku soo baratay awgeed

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS