BALIGUBADLE MEDIA
Maxamed cali iyo shacabka awdal midh dan iyo dirir ah baan idhi, dawladana midh daw ah baan idhi !! Dr.khadar-Libaaxley.
December 7, 2017 - Written by admin

Murti:
Hal waa yaab, hal-na waa ammakaag, hal-na waa yaabka-yaabkii.

1. Hal waa yaab : oo odayada cuqaasha iyo sulaadiinta qaar ka mida
makaahiil makadoor ayaa dhawaan warbaahinta la hor yimi iyagoo hanjabaad
hawada u marinayaan(saylici) food saarkuna yahay erayga ( dawlada) oo ku
goodiyaayey in xillalkii loo soo celiyo shaqaalihii erigooda food saarka looga
dhigay u olloleyn xisbi mucaarid ah cadeymo muuqda kadib iyo ku takri falida
hantida dawlada.
2. Hal-na waa ammakaag: falkaa shaqaalaha la eryay ee waliba duqeyda iy
waxgaradku gardaro ugu doodayaan; waxa sifahaa khaldan sii xoojiyey
markale( xildhibaano iyo dhalinyaro u badheedhay gardarada garabka haysata
) iyaga oo warbaahinta goolaaftan, dhaar colaadeed ku goodiye si ba’an.

3. Hal kalena waa yaabka yaab kii : Maxamed cali aw cabdi wuxu yidhi: (
reer kayga makaahiil shaqaalaha dawlada ee heer gobol ee xilligii ololihii
iyagoo shaqaale ah xisbiga mucaarad ka ee aan sharaxnaa u ololeynaayey !!
gardaranaa dawladu maxay iigu daba mareysaa ?! haday dawladu deyn
weydo shaqaalahaasi !! waxa ku dhici doona qosol gariir !! farta oo ay dhexda
ka qaniinto iyo qoomamo !! cida uu hadalka u wadey waa la garanayaa!!).

4. Maxamed cali hal u dan iyo dirir ah : waxa aad tahay nin reer awbare
ah, waxba dabada awdal ha soo galine killinka 5aad ayaa kuu baahan,
dalkaagii iyo deegaankaagii ayaa dayacani halkan hadal iyo hanjabaad
kaagama furnee qabo dalkaagii oo awbare gobolnimo u raadi adiga iyo inta
meherad laawaha somaliland ku ah; qof ahaan waan kuu khajilay waayo
inta aad shaqaale le xill haya oo la eryi karo ka hadlayso ( miyaad horta ka
hadashid xafiisyo loo dhiso ; 25 wasaaradood oo gobolka jooga ayey mid iyo
laba xafiis leedahay!! waxa cadaatay dantii reerkaaga ayaad ka hor marisay
dantii guud !! waxa muuqatay in aaney jirin lexejeclo aad u hayso dadka iyo

dalkaba) illaahay ayaa goor roon u mada ka qabtay adiga iyo xisbigaagii,
orod isqari ama tooba dheh.

5. Hal kale oo aan idhi : odayada, xildhibaanada iyo dhalinyarada marwalba
warbaahinta waxa aad la tubantihiin wax dadka reer somalliland aan
fagaarayaash la imanin oo dadka badabkii ka yaq-yaqsoodo oo ah ( kii
hadlaaba in uu yidhaa WAANU BADAN NAHAY, ANNAGAA UGU BADAN !!
XOOLAANU HAYSANAA, CASHUUR BAANU BIXINAA !!) intaa cid kale oo tidhaa
dalka ma jirto!! tolkayow iska dhaafa khajilaade waan idiin yax-yaxay !! waa
ayo cid-dan idinkula muranta maalin walba waad yartihiin ? eed iska
dhicisaan mise raganimo ayaad u haysataan in ay tahay !! gayiga somalida
dhaqanka jira lama arag LAAN DHEERE nin sheegta oo CABASHO iyo OOHIN
wada mar walba ceeb!! daliil waxay u tahay khiyaamo mooyee waxba inaanay
ka jirin waxa aad shubeysaan !! illaahay ayaa waxna badiya waxna yareeya!!
rabi u toobad keena nimanyahow!! mida kale xoolahan iyo cashuurtan aad
ka sheekaysaan ma wax dhaafsan baa ??? bakhshiish ka iyo wakiilnimada
meheradaha habar awal ay borama ku leedahay??! ma raganimaa mise waa
wax lala xishoodo , annaa cid kuu xiga e’ tolkayow khajila, khajila, khajila oo
hadaad annaga naga xishoon weydeen ummada reer somaliland ka
xishooda??? waa ceeb yar iyo weyn sharaf dhac isku raacu.

6. Hal daw ku ah baan lee yahay dawlada : gobolka awdal 25 iskuduwe
ayaa jooga oo u taagan 25 wasaaradood hal ama laba ayaa xafiisyo leh waa
dibad wareeg inta kale ; 17 toban ka mid ah waa isku beel kaliya beesha
makaahiil makadoor cadeyna waan hayaa; ugu horeyn dawlada waxa laga
rabaa xisbiga kulmiye hortii dawlad waxqabata maanaan arag e’ in la dhiso
xafiisyada dawlada ee gobolka; marka xiga ( reer awdal dhexdooda ayaa
saami qaybsi cadaalada u baahan e’ 25 kan isuduwe iyo soo buuxinta inta
dhiman kadib si dhexe oo cadaalada haloo qaybiyo awoodaha gobolka oo
dhamaan beelaha awdal oo dhan oo ay ku jirraan beelaha ciise iyo gabooye
– bartaasaa u baahan saami qaybsi halaga bilaabo hawsha oo yaan naloo
maqlin qaylada iyo oohinta in dan leh.)

Gunaanad:
Nabad baa naas leh ha lagu faro adeygo nabad galyada, midnimada ummada
iyo wada jirkeeda, gees walba halaga shaqeeyo dhayida diifta nabaradii
doorashada; dhan walba saami qaybsi daah furran ha la diyaariyo.
Waar caanaha dhan iyo hoo adigu dhan
Baa baa la isku dhiibaaye, mid haduu
Dhameystoo qudh-qudho dhiilka wada laaco
Dhaqan keena ceeb bay aheyd tani dhaga somali.

Dr.khadar -Libaaxley
[email protected]
[email protected]
Regional political analysts

COMMENTS