BALIGUBADLE MEDIA
Mareykanka iyo K/Koonfureed oo dhoolatus wadajir ah samaynaya
December 4, 2017 - Written by admin

Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa bilaabay dhoolatuskii ugu balarnaa ee dhanka cirka ah.

230 diyaaradood ee ka qayb qaatadanaya dhoolatuskani ayaa waxaa ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano F-22.

south korea

Arrintani ayaa ku soo beegmaysa toddobaad ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay Tijaabisay gantaalkii ugu hormarsanaa oo ah nooca qaaradaha isaga tallaaba.

Militariga Mareykanka ayaa waxay sheegeen in dhoolatuskani wadajirka ah looga gol leeyahay in sare loogu qaado awoodda wada shaqaynta labada dhinac.

Saraalkiisha Mareykanka ayaa waxa ay intaa ku dareen in dhoolatuskani lagu xaqiijinayo nabadda iyo ammaanka gacanka Kuuriya.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhawaan tijaabisay gantaal ah nooca qaaradaha isaga tallaaba.

Source: bbc

COMMENTS