BALIGUBADLE MEDIA
Maraykanka Oo Uga Digay Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya Inuu Qabto Munaasabadda Lagu Dhaarinayo 12-Ka Bishaan December.
December 8, 2017 - Written by admin

Maraykanka ayaa ka codsaday hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga in uu baajiyo munaasabadda lagu dhaarinayo maalinta talaadada ee 12-ka bishaan December.

odinga

Ku-Xigeenka Xoghayaha Xafiiska ee Arrimaha Afrika Donald Yamamoto ayaa ka digay in tallaabadaasi kaliya ay sii kordhin doonto xasilooni darrada dalka.

Donald Yamamoto ayaa hadalkan soo jeediyay mar uu kulan La yeeshay hogaamiyayaasha mucaaradka ee isbahaysiga Nasa.

Ergayga ayaa isku dayaya in xisbiga Jubilee ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu keeno miiska wada xaajoodka si ay ula heshiiyaan mucaaradka oo looga baxo aalada cakiran

Sources: universaltvsomali

COMMENTS