BALIGUBADLE MEDIA
Maraykanka Oo Eedaymo U Jeediyey Xuutiyiinta Dalka Yemen Oo Gantaalo Ku Weeraray Sucuudiga
December 23, 2017 - Written by admin

Dawlada Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay gantaal nooca riddada dheer oo ay Xuutiyiinta Yemen todobaadkan ku rideen magaalada Riyad ee caasimada Sacuudiga.
amerika
Mareykanku wuxuu sheegay in gantaalkan uu bartilmaameedkiisu ahaa qasriga boqortooyada oo deegaan u ah boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Tallaabadani ayay Washington ku tilmaantay mid ka mid ah gantaallo is xig xigay oo ay Xuutiyiinta ku weerareen dhulka Sacuudiga.

Afhayeenka Aqalka Cad Sarah Huckabee Sanders ayaa Khamiistii ugu baaqday Qaramada Midoobay in ay mas,uliyada gantaaladaasi u qabsato dawlada Iran, oo ay ku sheegtay in ay ku xadgudubtay qaraarki Golaha Amaanka ee Yemen.

Source:-VOA

COMMENTS