BALIGUBADLE MEDIA
Maraykanka Oo Codka Diidmada Qayaxan Ee Veto U Adeegsaday Qaraar La Hor Keenay Golaha Amaanka Oo Ku Saabsanaa Magaalada Qudus
December 19, 2017 - Written by admin

Mareykanka ayaa codka diidmada qayaxan ee Veto u adeegsaday qaraar qabyo ahaa oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay la keenay kuna saabsanaa magaalada Qudus.

qayaxan

Qaraarka ayaa ku baaqayay in dib looga laabto go’aankii madaxwayne Trump ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimada Israa’iil.

Dhammaan 14 xubnood ee kale ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraarkan.

Dalalka taageeray qaraarka lagaga soo horjeedo go’aankii Trump waxaa ka mid ah Britain iyo Faransiiska.

Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobey, Nikki Haley ayaa ku tilmaamtay waxa dhacay in uu yahay aflagaado aan la hilmaami doonin.

Falastiiniyiinta iyo taageerayaashooda ayaa rajaynaya in bariga Qudus maalin uun ay noqon doonto caasimada Falastiiniyiinta.

Go’aankii madaxwayne Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israa’iil ayaa waxa ka dhashay cadho gaar ahaan dalalka Islamka.

Sourcce:-BBCsomali

COMMENTS