BALIGUBADLE MEDIA
Magacyada Saraakiil Ka Tirsan Maalliyada Oo Uu Wasiirka Wasaaraddaasi Isku Shaandheeyey
December 30, 2017 - Written by admin

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa isku beddel iyo magacaabis ku sameeyey Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaasi iyo Kastamaha Magaalooyinka qaarkood. Wareegto uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa lagu sheegay in la isku beddelay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Maaliyadda, si loo dardar geliyo habka loo ururiyo cashuurta dalka.
wasiirka-maaliyada
Wareegtadan oo nuqul ka mid ah uu helay Wargeyska Hubaal, ayaa u dhignayd sidan: “Ujeeddo isku bedel iyo Magacaabis: Wasaaradda Maaliyaddu waxay ku hawlan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa Dakhliga, Isla markaana loo dar-dar gelin lahaa hannaanka maamulka iyo shaqada Wasaaradda laga bilaabo maanta waxaan magacaabay:

1-     Idiris Xasan Diiriye, Agaasimaha

Waaxda Kastamaha

2-     Asad Maxamed Maxamuud Faarax, Agaasimaha Waaxda Maamulka

3-     Xuseen Xasan Cabdi, Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Maamulka

4-     Daa’uud Siciid Maxamuud, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta

5-     Xamse Cabdiqaadir Sheekh Xuseen Agaasime ku-xigeenka Waaxda Qorsheynta

6-     Bahja Xasan Yuusuf, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha

7-     Maxamed Axmed Wayrax Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Shaqaalaha

8-     Cabdirakariin Ibraahim Saleebaan, Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda

9-     Cali Sheekh Axmed Sheekh Cali, Agaasime Waaxda Miisaaniyadda

10- Kayse Axmed Cismaan, Madaxa Hanti dhawrka guddaha

11- Xasan Cabdi Yuusuf, Madax Arkiifiyada

12- Khadar Maxamed Cabdi, La Taliyaha Wasiirka ee Arrimaha Hanti Dhawrka Guddaha

13- Maxamed Axmed Ducaale, La Taliyaha Wasiirka ee Arrimaha Kastamada.

Xigasho Hubaal

COMMENTS