BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne si looga taxadero Aafo dambe oo musuqmaasuq waa in is bedel mugleh lagu sameeyo Wasaardda Maaliyada.
December 20, 2017 - Written by admin

Madaxweyne sharkii ka dhacay Wasaaradda maaliyadda mudadii Wasiir samaale iyo Samsam waa mid qarranka curad ku ah. haddab si wax looga barto hantiboobkii iyo duufaantii xatooyada Qarranka waa in baadhis iyo macluumaad lagu sameeyo si tabahaasi aanay dib ugu soo noqon.

isla markaana dadkii gacan yarayaasha ugu ahaa falalka noocaas ah la nasiyo, oo dad nadiifa la qaato, Waxaanu aragnay Maamuleyaal ka awood badan Wasiirada oo yiraahda warqada afka iska mariya.

Mudane Madaxweyne,

Wasiirka Maaliaydda ee cusub waa nin dhalinyaro ah, siyaasiyiin ayaa qabta inaad rabto qof aad siddii askarta iyo nidaamka ciidamada amar usiiso keliya. In wasiir wareegto lagu qoraa way fududahay balse waxaanu ee gaynaa Inaad adna Samsam cusub siddii qoyskii hore keen satay iyo inaad keentay shakhsi Maareeya nidaamka qarranka ee Maaliyada.

Hanaanka lagu hagaajinayo Wasaaradda maaliyadda Maaliyada waxay ku xidhan tahay.

Heerka aqoonta Agaasimaha Guud ee aad u magacaabi doonto oo u baahan inuu noqdo khabiir Maaliyadda ka shaqeeyey haysta shahaado Caalami ah oo daadihinkara isku xidhka World Banks DFID SDA iyo qorshaha PFM ka.

Xidhiidhiyaha PFM eee JSl ku dheeraan maayo Xidhiidhiyihii hore wuu ku fashilmay hanaanka PFM ka Mr. Prof Samatar waxaanay ahayd meel lacagta miisaaniyada lagu cuno PFM ka ugu jirta waana halka ragaadka ugu weyni ka ymid.. Waxaan kuu soo jeedinyaa in Wasiirkaaga Maaliyadu xog ayuu ka hayaa hawshaas ee aad u xulataan qof daacd ah aqoon u leh oo dhaqaajiya PFM ka waana furaha guusha Maaraynta Maaliyada Qaranka.

Mudane Madaxwene.

Waxaa Caado noqotay in Wasiiro suldaano iyo ganacsato ama culimo ay ergo ka galaan xil qarran cida loo dhiibayo ergada noocan ah lama arrag Aduunyada dad iyagu qof CV u ah.. Waxbarashadu macno yeelan mayso hadii Suldaanka, Xildhibaanka IWM ay xirfada iyomihnadaad baratay kugu duudsiyi karaan…

Madaxweyne Qofkasta booska uu u qalmo.. haku degdegin saxeexa iyo habka qabiilka.. baadho qof aqoon u leh raadi taariikhda qofka oo cido kale kala xidhiidh iyo aqoontiisa.

Wasaaradda Maaliyadda isbedel iyo qiimayn muqgleh halaga sameeyo, Sharkii dhacayna wax halaga barto.

Sumadaas qaado si qarranku u badbaado, Wasiirka Awood u Wasraadiisa ku fushado sii..

Haddii kale Waa jaariyad Jeegaanta & Hadbada u adeegta ka dhigo.

Marwan

COMMENTS