BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Farmaajo oo Amray in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo falkii lagu galay Guriga CabdiQeybdiid
December 30, 2017 - Written by admin

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa amar ku bixiyay in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo falkii ay ciidamo ka tirsan dowlada ku galeen kuna baareen guriga Senator Cabdi Qeybdiid.

Qoraal kooban oo la soo dhigay Bogga Twitter -ka madaxweynaha ayaa  ku amray taliyaha ciidamada xoogga dalka General Cabdiweli Jaamac Gorod in cid walba oo ku lug yeelatana sharciga lala tiigsado.

farmajo-twiter

Waxaa soconaya durbaba baaritaan lagu sameynayo ciddii ka dambeysay falka lagu galay mid ka mid ah guryaha uu degen yahay Senator Cabdi Qeybdiid.

CabdiQeybdiid oo hadlay ayaa sheegay in falkaasi ahaa mid laga xumaado, isaga oo intaa ku daray in ciidamda gudaha u galay Guriga geysteen Jir dil, Burbur hantiyeed iyo Alaabo kale laga qaatay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS