BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweynahii Hore Ee Silaanyo Oo Wali Gurigiisa Ku Saxeexaya Dokumentyo Iyo Xeerar Back-dated Ah
December 17, 2017 - Written by admin

Madaxweynihii xilka ka dagay ee Axmed Siilaanyo ayaa wali dokumentyo iyo xeerar madaxweyne ku saxeexa guriga uu Hargeysa ka degganyahay.Waraaqahan oo uu inta badan ka saxeexo wiilka uu sodogga u yahay ee Baashe Morgan ayaa waxa loo sameeyaa taarrikh hore oo ah xilgii uu Siilaanyo xilka hayey.

siilaanyo hagrasho
Xeerarka madaxweyne ee uu Mr Siilaanyo gurigiisa ku saxeexay ka dib markii uu xilka ku wareejiyey madaxeyne Muuse Biixi waxa ka mid ah xeer uu ku magacaabay gudi (Board) ka kooban 5 xubnood oo uu ku sheegay inay maamuli doonto dekadaha iyo Free-zone ka Jamhuuriyada Somaliland.Xubnaha gudidan ayaa waxay kala yihiin:
(1)Maxamed Sheekh Faarax Cumar(Guddoomiye),(2)Cabdi Maxamed Aadan Caddaani,(3)Keyd Cabdilaahi Xandule(4)Maxamed Sh Cismaan Cumar iyo(5) Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf.
Xeerka gudidan lagu magacaabay oo uu Baashe Morgan Siilaanyo guriga kaga soo saxeexay ayaa waxa laga dhigay inuu soo baxay 26/11/2017.

source: qarannews

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS