BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweynaha Kenya Oo Sheegay Inaanan Cidina Laga Yeeli Doonin Ku Xadgudubka Dastuurka
December 13, 2017 - Written by admin

Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya, ayaa maanta farriin adag u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka Kenya, oo iyagu diidan inay u aqoonsadaan inuu yahay Madaxweynaha la doortay ee Kenya.

uhuru-kenyatta

Guddiga doorashooyinka, ayaa bishii hore ee November ku dhawaaqay in Uhuru Kenyatta uu ku soo baxay doorashadii ku celiska ahayd ee 26-kii bishii October ka qabsoomtay dalkaasi.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo maanta jeediyay khudbad uu ugu talagalay 12-ka December, oo ku beegan maalinta xorriyadda Kenya, ayaa yiri “Markii Madaxweynenimada la ii dhaariyay sanadkii 2013-ka iyo dib u dhaarinteedii bishii hore, waxaa la i siiyay awoodda laba waxyaabood oo aad muhiim u ah, ilaalina dastuurta iyo difaaca dalka.”

Madaxweynaha oo sii hadlaayay, ayaa yiri “Ma jirto cid aan uga heebeysanayo dhawrista sharafta, ku dhaqanka dastuurka iyo amniga, maxaa yeelay waxaan ahay hogaamiyaha dalka iyo taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida.”

Waxaa uu intaa ku daray “Ciddii isku daydaa cago-juglayn amaba dhibaatooyin dalka u gaysataa, aan aniga u xil saaranahay difaaciisa. Kenya ma aqbali doonto wax kasta oo

Sources: universaltvsomali

COMMENTS