BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynihii Hore ee Maraykanka Brack Obama oo Ka Digay Khatarta uu Leeyahay Isticmaalka Baraha Bulshaddu.
December 27, 2017 - Written by admin

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa ka digay halista ay leeyihiin baraha bulshada ee loo isticmaalo sida aanan xilkasnimada ahayn.
Obama
Wareysi dhif iyo naadir ah oo ah kan kaliya ee uu bixiyay tan iyo intii uu xafiiska ka tagay bishii Janaayo, ayuu ku sheegay in macluumaadka qaldan e la faafinayo ay keenayaan faham qaldan oo ay dadka qaataan.

Ninkii isaga xilka ka badalay Donald Trump ayaa lagu yaqaanaa in uu yahay nin aad u isticmaala Twitter-ka, balse ma uusan magac ahaan soo hadal qaadin.

Obama ayaa waraystay amiirka boqortooyada Britain Harry, wuxuuna waraysiga ka baxay idaacadda BBC-da ee Radio 4 loo yaqaano.

Waxa uu Obama sheegay in dadka madaxda ah ay aad uga foojignaadaan marka ay baraha bulshada soo dhigayaan fariimaha.

Waxa uu sheegay in wax maanta la qoro ay mustaqbalka noqon karaan wax la rumeysto, isaga oo intaas ku daray in fariimaha la baahinayo aysan noqon kuwa dadka kala qeybiya.

Mr. Trump ayaa lagu eedeeyay in uu si xad dhaaf ah u isticmaalo Twitter-ka, balse isaga waxa uu ku doodaa in uu kula xiriiro dadka Ameerikaanka ah.

Source: bbc somali

COMMENTS