BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Xukumadada Haku soo xulin nidaamka jeeganta,hana soo ceelin 4-ta wasiir ee……..
December 2, 2017 - Written by admin

Mudane madaxwayne waxaad tahay rajadii shacabka ,waxaad hididiilo badan
ku abuurtay qalbiyo ka qaadhay dawladnimo,waxaa shacabka somaliland soo
jiitay hadaladii qiimaha iyo sharfta badanaa,waxay ka naxiyeen kuwii
shacabka dhiig miirtay waxayna qoyeen qalbiyada bulshada danyarta
ah, qudbadii aad u jeedisay madaxada xisbiga kulmiye iyo qurba joogta
waxay ahayeen kuwo soo nooleeyay ruuxda iyo rajadii dawladnimo ee
wiiqan-tay bari-samaadkii ,waxaan nahay dad ay ka luntay kalsoonidii
dawladnimo ,waxanu nahay dad aan garanayn meesha ay u socdaan lkn
garanaya halka ay ka yimadeen iyo halyeeyadii loo gawracay qaranka

Waxa luntay cadaladii,waxa lumay sharcigii ,waxa lagu tun-tay kuwii
taagta darnaa,waxaa koray oo kalin galay dhiig-miratadii ,waxa dhacay
musuq-masuqii tariikhda ugu waynaa,waxa umada dhacay mid aan
qaranka u danaynayn oo aan xataa qabiil u danaynayn,wa nimanka wasiirada ahe.

Waxa talada dalka kaga horeeyay madaxwayne sharaf iyo qiimo badan
leh,waxa uu ahaa hal-yeey halgan usoo galay qarankan ,waxa uu qab-tay
wax ka wayn 7-dii sano ee uu xilka hayay ,wuxuu qaban lahaa waxa ka wayn
hal-qarni, lkn waxa dabray oo ragadiyay xukumadiisi kuwo aan qaran iyo
qabiil toona aan faa,ido u lahayn.ragaasi waxay curyamiyeen hal
abuurnimadii madaxwayne siilanyo iyo hal abuurnimadii xukamda,

Hadii aad soo dhawaysto kuwo aad hayb wadaag-tihiinn,waaxd lumin
doontaa kalsoonid
dadkii ku jeclaa ee ku doortay,hadii inta talada goysaa noqoto

qabiilkagaa waxa hubaal ah in dawladnimada somaliland curyaami doonto,

Kuma xad-gudbaayo shaqsiyaadka aan dhaliilsanahay lkn waxan qabaa inay
yihiin kuwa lumiyay rajadii shacabka ,dalka iyo dadkana u gaystay
hagar-daamo qaran,

Waxay ahayeen kuwo ku xad-gudbay sharciga iyo kala danbayntii qarankan
waxay hayb ugu awood sheegteen kuwo ka qaoon badan,kuwo ka khibrad
badan iyo kuwo ka hal abuur badan,

Waxay adeegsadeen taladii iyo awoodii qaranka, iyagoo isticmaalaya
haybta ay la wadagaan m/wayne siilanyo,waxay ku tunteen danyartii iyo
masakiintii, kuwaas waxanu nahay hayb-waag ,dhaliisha aan u hayo ugama tagaayo
inaanu isku qabiil nahay lkn runtu waa ma hadho, waxana hubaal ah inanay qabiil waxba uqaban,qabiilka way ku
maxaafsadaan ,waxana way ku dulmiyeen.

Waxaan jeclaan lahayn inaanu madaxwaynuhu aanu wasiiradii hore kasoo
celin hal wasiir, hadii uu madaxwaynuhu soo celiyo wasiiradii hore waxaaa hubaal ah
inay saqiiri doonto xukumadiisu ,waxaynu shacabku is waydiinayaan
hadii madaxwaynuhu soo celiyo wasiiradii hore,waa maxay is badalkii
shacabku u codeeyay?

Wasiiradii hore wa kuwo la tijaabiyay,markale uma baahna tijaabo
labaad ,waxay u bahanyihiin la xisaabtan iyo in baadhis lagu sameeyo
sidii ay u maamuleen mashaaricdii dawlada,

Waxaan madaxwaynaha usoo jeedin lahaa ,inaanu markale soo celin
wasiirada kasoo jeeda bariga Burco ,kuwaas oo ku fashilmay inay
deganadoodii wax ka qabtaan isla markaan ku fashilmay masharicdii ay
maamulayeen,4-ta wasiir ee kasoo jeeda degaanada bariga burco waxay
ahayeen kuwo aan waxba u qaban dadkii ay matalayeen iyo deeganadii ay
kurasida wasiirnimo ku haysteen

Wasiirada xilalka ka hayey xukumada madaxwayne siilanyo,ee kasoo jeeda
bariga burco degaanda ay kasoo jedaan qaarkood ,malaha MC-H malaha
saldhig bolis,malaha gaadhi anblaas ah,hadana waxay ahayeen kuwii lagu
tuhmi jiray awooda dawladnimo,waxay ahayeen shaqsiyaad danta
degaankooda ka hormariyay dantooda shaqsigaa,

Waxan xukumada Muuse Biixi ka rajaynaynaa inuu meesha ka saaro
wasaarada madaxtooyada,hadii laga maarmin,waxa fiican inaan
wasaradaas madaxwaynuhu u dhiibin qof ay hayb-wadaag yihiin,taasi waxa
dib usoo celinaysaa xan-qarsigii iyo in dadka talada dalka goynayaa ay
noqdaan beesha madaxwaynaha, taasi waxay markale xoojinaysaa shakigii ka jiray madaxtooyada
,waxayna sii xoojinaysaa inay wasiiradu u kala awood bataan sida ay
haybta qabiilka ugu kala xigaan madaxwaynaha. Kalsoonida shacabku way helaysaa xukumadu hadii meesha laga
saaro,wixii saluug ah ee ka muuqday xukumadii hore,hadii aaan la sixin
dhaliishii hore dawaladu waxay noqonaysaa mid ay tallada ku baahdo

Allaah mahadleh

W/Q,Mustafe Axmed Maxmed Geedi

[email protected]

COMMENTS