BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Putin oo ka digey go’aankii Trump ee Qudus
December 12, 2017 - Written by admin

Madaxwaynaha dalka Ruushka Putin ayaa sheegay in go’aankii uu Donald Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israa’iil ay tahay mid meesha ka saaraysa wadahadaladii nabadda ee bariga dhexe.

puntin

Madaxwaynaha Ruushka ayaa ka hadlayay magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga.

Mr Putin ayaa kulan la qaatay madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,xilli uu soo gabagabeeyay booqashadiisa bariga dhexe.

Mr Erdogan ayaa sidoo kale cambareeyay go’aanka madaxwayne Trump ,waxa uuna sheegay in Mareykanka ay dhiig gacanta kula jiraan.

Erdogan ayaa ku tilmaamay Israa’iil in ay yihiin argagixiso islamarkana falastiiniyiintii ay askarta Israa’iil dileen ay yihiin Shuhado.

Wariyaha BBC ee Turkiga ayaa sheegay in kulanka Erdogan iyo Putin u noqonayo kii 8aad ee ay yeeshaan sanadkan.

Xiriirka Turkiga iyo Ruushka ayaa soo xoogaysanayay tan iyo wixii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay sanaddii 2015.

source:bbc

COMMENTS