BALIGUBADLE MEDIA
Maamulka Trump oo Isku Maandhaafsan Qaabka Loo Wajahayo Xaaladda Kuuriyadda Waqooyi
December 14, 2017 - Written by admin

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa u muuqda in uu dabo maray Aqalka Cad iyo wasaaraddiisa arrimaha dibadda ka dib markii uu tilmaamay in Maraykanku uu dabciyay meeshii uu ka taagnaa wadahadallada Kuuriyada Waqooyi.

Tillerson ayaa sheegay Talaadadii in Maraykanku uu diyaar u yahay in uu wadahadal la galo Kuuriyada Waqooyi iyadoo aan shuruudo hordhac ah lagu xirin.

anderson

Laakiin waxaa ka dabo hadlay Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo carrabka ku adkeeyay in ay waajib tahay in Kuuriyada Waqooyi ay ka tanaasusho barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Fariintan ayaa noqonaysa middii saddexaad ee Tiilerson iyo Aqalka Cad ay isku waydaartaan billihii la soo dhaafay.

Isga oo ka hadlaya shir Washington DC ka dhacay Talaadadii ayuu wasaaiirka arrimaha dibaddu ka soo qaybgalayaaasha u sheegay “Waxaan niri dublamaasiyad ahaan diyaar ayaan u nahay in aan wakhti walba la hadalno Kuuriyada Waqooyi, kulanka u horreeyana waxaan la yeelanaynaa iyadoo aan shuruudo hor dhac ah lagu xirin”.

Wuxuu intaas ku sii daray “aan kulano oo xataa jawiga aan ka wadahadalno haddii aad rabtaan, wayna wanaagsantahay in miis dhinacyada laga soo wada fariisto haddii ay taasi tahay wax aad ku farxaysaan “.
Sarkaal Aqalka Cad ka tirsan oo aan magaciisa la shaacinin ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Arbacadii in “maamulku uu u midaysan yahay ku adkaysashada in wadahallo lala galo Kuuriyada Waqooyi ay udub dhexaad u noqonayso in xukuumaddaasi ay badasho dabcigeeda.

“Sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda laftirkiisuna, waxaa waajib ah in ay arrintaas ka mid noqoto in aysan samaynin tijaabooyin kale oo nukliyeer, walibana aysan shuruuduhu intaas ku ekaandoonin.

Heather Nauert oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada ayaa Twitterka soo dhigtay in uu carabka ku adkaynayo meesha ay arrintan ka taagantahay xukuumadda oo ah in ay jiri doonaan shuruudo hordhac ah oo ku wajahnaan doona barnaamijka nukliyeerka.
Waxay sheegtay “in siyaasaddooda aysan waxba iska badalin. Dublamaasiyadduna ay tahay ahmiyaddooda koobaad iyadoo la sii marayo ol’olaha caddaadiska oo meesha ugu sarraysa la gaarsiiyo.

“Wali wadahal waan aqbalaynaa marka Kuuriyada Waqooyi ay rabto wadahadal ay ka go’antahay oo wax ku ool ah si nabbed ahna ay nukliyeerka uga tanaasulayso, wakhtigaasna hadda lama joogo”.

Hadalladan is dabo marsan ayaa ah isku dhicii u dambeeyay ee soo kala dhex gala Aqalka Cad iyo wasiirka arrimaha dibadda”.

Xigasho: bbc somali

COMMENTS