BALIGUBADLE MEDIA
Laanta Xisbiga Waddani Ee Maraykanka Oo noqotay Meeshii ugu horraysay ee uu Guddoomiye Cirro U mahadnaqo
December 14, 2017 - Written by admin

Sidaynu wada ogsoonahay dhalinyaradu waa awoodda iyo curinta siyaasadda Soomaalilaan dalweynaha Waddani waxa Guddoomiye xusbiga Waddani uga ah aqoonyahan dhaliyaro ah oo halabuur leh waa Maxamed Aadan Tarabbi
Isagoo noqday masuulkii ugu horreeyey ee Xisbiga Waddani u mahadnaqo.

IMG-20171008-WA0164

Maxamed waxa uu muujiyey karti iyo go’aan qaadasho cajiib ah isagoo ahaa xiddigii Ololaha Kaanbaynka ee Woqooyiga Ameerika.

Guud ahaan waxa dhalinyarada Somaliland u sharaf inay noqdaan hoggaan siyaasi ah oo la mahadiyo.

Wuxuu Maxamed Aadan Tarabbi bartiisa Facebook ku qoray:

“Waxaanu galabta shir la yeelanay khadka teleconferenceka ah  Guddoomiyiha Xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isagoo jooga Nairobi Kenya iyo annagoo joogna dalweynaha Maraykanka, kaas oo daaranaa inuu u mahadnaqo Waddani USA kaalintii dhaqaale, abaabul, dhisme, iyo muraaqibiinta lahayd ee aanu xilligii Ololaha Kaanbaynka Xisbiga ka caawinay. Waxa aniga sharaf gaara ii ah in Guddoomiye Cirro aan noqdo qofkii ugu horreeyey ee uu u mahadnaqo doorashadii kaddib dabcan wanaaga waxa leh kooxdayda Waddani USA”

Xoghaya Warfaafinta Xisbiga Waddani USA Yusuf Diiriye.

COMMENTS