BALIGUBADLE MEDIA
Laacibkii hore ee Kubadda Cagta George Weah oo noqday madaxweynaha Liberia
December 29, 2017 - Written by admin

Ciyaaryahankii hore ee Kubadda Cagta marna ku guuleystay Laabka ugu wanaagsan dunida  George Weah ayaa noqonaya Madaxweynaha dalka Liberia kaddib doorashadii ka dhacday dalkaas Talaadadii aynu ka soo gudubnay.
weah
Guddiga doorashada dalka Liberia ayaa sheegay in codadka la tiriyay oo ah 98.1% uu Mr Weah uu hogaamiyaha isbahaysiga isbedelka dimuqraadiga uu ku guuleystey codad gaaraya 61.5%.

Ninka la tartamayay oo ah Joseph Boakai ayaa aad uga hooseeya waxana uu helay codad gaaraya 38.5%.

Mr Weah oo ah 51 sano jir ayaa talada kala wareegaya Ellen Johnson Sirleaf oo ah haweeneydii ugu horeysay ee si dimuqraadi ah loogu doorto wadan ku yaal qaarada Afrika.

Warka ah guusha uu gaaray Mr Weah marka la maqlay ayaa waxaa magaalada caasimada ah ee Monrovia ka bilowday dabaaldegyo iyo xaflado ay dhigayaan taageerayaasha Mr Weah.

source: hol

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS