BALIGUBADLE MEDIA
Kismaayo oo lagu soo dhaweeyay ciyaartooyada Xulka Jubbaland
December 25, 2017 - Written by admin

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam, kuxigeennadiisa, xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Kismaayo ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay xulka kubadda cagta ee Jubbaland ee kusoo guuleystay tartankii dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu hambalyeeyay ciyaartooyada guusha ay kasoo hoyeen tartanka.

Ciyaartooyada xulka iyo macalimiintooda ayaa koobka gudoonsiiyay madaxweynaha Jubbaland, waxaana ciyaartooyda ay farxa la qaateen kumannaan qof oo maanta isugu soo baxay garoonka diyaaradaha iyo wadooyinka waaweyn ee magaalada si ay usoo dhaweeyaan.

Jawiga magaalada Kismaayo ayaa maanta ahaa mid kacsan, ayadoo gabi ahaanba hakad la geliyay isu socodkii gaadiidka, waxaana amniga magaalada sugayay ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugidda Jubbaland.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS