BALIGUBADLE MEDIA
Jeegaanta oo Ku Kaliyaysatay Xafladda Xilwareejinta Kornayl Muuse Biixi Cabdi
December 13, 2017 - Written by admin

Minaasibad si heersare ah loo soo agaasimay oo xilka ay kula kala wareegayeen madaxwaynahayaashaa isbedelaya ee jeegaanta ayaa lagu qabtay xaruntii hore u ahaan jirtay gurigii morgan imikana lagu magacaabo xarunta qasriga madaxtooyadda somaliland

jeegaanta
munaasibadan oo aanay ka soo qayb galin wufuud balaadhan oo heer caalami ahi ayaa badi waxa indhahaagu qabanayeen dadka madasha ku sugan oo u badnaa jeegaanta iyo waxoogaa dadka u shaqeeya ah balse waxaan xafladan ka qayb galin guud ahaan qaybaha kala duwan ee reer somaliland marka laga yimaado jeegaanta
kornayl muuse biixi oo gunaanadkii xafladda khudbadiisii ka jeediyay madasha ayaan khudbadiisu ahayn wax nidaamnsan islamarkaana qodobaysan sida lagu yaqaano astaamaha madaxwaynayaasha walaw ay u ekayd khudbad kornayl.
isku soo wada duuboo la soco barnaamijyo aanu ku eegi doono dibindaabyadda iyo shirqooladda dhaqaale ee ay jeegaantu ku heshiisay iyo khataraha ku gadaaman

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS