BALIGUBADLE MEDIA
Israel oo Markale Duqaymo Ku Qaraacday Marinka QASA
December 14, 2017 - Written by admin

Israa’iil ayaa Marinka Qaza ku qaaday weerar duqeyn oo ay ku sheegtay in ay ku burburisay qalab uu leeyahay ururka Xamaas.

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in meesha diyaaradohooda ay duqeeyeen ay ahayd xero tababar iyo kayd hub.

 gasa

Duqeynta ayaa dhacday ka dib markii afar gantaal oo laga tuuray Qaza ay ku dheceen deegaannada ay Israa’iil maamusho.

Israa’iil ayaa sidoo kale xirtay xuduudda Qaza ka “dib dhacdooyiin amni darro”, sida ay ciidamadeedu sheegeen.

Balse, ma aysan sheegen muddada ay xirnaaneyso meesha raashiinka Qaza uu ka gudbo ee Kerem Shalom, iyo Erez oo ay adeegsadaan shacabka lugeynaya.

Xiisadda ka dhexeyso Falastiin iyo Israa’iil ayaa sare u sii kaceysay tan iyo markii Donald Trump uu ku dhawaaqay go’aankii uu Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa’iil.

Dadka rayidka ah waxay sheegayaan in 13 gantaal ay Israa’iil ku dhufatay xarun ciidan oo Xamaas ay ku leeyihiin magaalada Qaza iyo Khan Yoonis.
Saraakiisha caafimaadka waxay sheegayaan in dhibaato wayn ay gaartay goobaha Xamaas iyo guryaha ku dhow. Ma jiro war xaqiijinayo dhimasho iyo dhaawac.

Militariga Israa’iil wuxuu sheegay in duqeynta diyaaradaha ay jawaab u ahaayeen madaafiic lagu dhuftay dhulka ay maamusho oo laga soo riday dhanka Qaza.

Mid ka mid ah gantaallada Xamaas wuxuu ku dhacay Koonfurta deegaannada Israa’iil ay ku sugan tahay, midna wuxuu ku dhacay Qaza dhexdeeda, labo kalena waa la qabtay.

Dhaqaatiirta waxay sheegeen in nin uu lugta ka dhaawacmay, laba kalena laga daaweeyay argagax.

“Israa’iil ma aqbaleyso in qofna uu waxyeelleeyo shacabkeeda, wayna sii wadeysaa difaacidda madaxbannaanideeda,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay militariga Israa’iil.

Dhammaan madaafiicda laga riday Qaza, Israa’iil waxay ku eedeysaa Xamaas oo seddax dagaal oo culus la galay Israa’iil tan iyo 2008.

Arbacadii, militariga Israa’iil wuxuu sheegay in uu duqeeyay dhismo Xamaas ay leedahay ka dib markii gantaallo lagu dhuftay deegaan lagu magacaabo Ashkelon oo ay deggan yihiin dad Yuhuud ah.

Tan iyo markii uu soo baxay go’aankii Trump, dibadbaxayaal Falastiiniyiin ah ayaa la dilay, laba kalena waxay ku dhinteen duqeymaha.

Israa’iil waxay aaminsan tahay in Qudus ay tahay caasimaddeeda. Falastiiniyiinta dhankooda waxay doonayaan in bariga Qudus ay noqoto caasimaddooda, halkaas oo Israa’iil ay Urdun ka qabsatay dagaalkii bariga dhexe ee 1967-dii.

source:bbc somali

COMMENTS