BALIGUBADLE MEDIA
Isbaarooyin ku soo batay wadada Isku Xidha Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo
December 25, 2017 - Written by admin

Sida ay sheegayaan gaadiidleyda isticmaasha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Magaalada Baydhabo, waxaa isbaarooyin badan la soo dhigay halkaasi.

isbaaro

Isbaarooyinka oo lagu qaato lacago kala duwan, ayaa qaarkood la soo sheegayaa inay u yaalaan ciidamada Xoogga dalka Somaliya.

Wararka waxa ay sheegayaan in isbaarooyinkaan gaadiidka lacago badan looga qaato, islamarkaana dadka dhibaatooyin kala duwan ay ku qabaan.

Qaar ka mid ah gaadiidleyda ayaa sheegay madaxda dowladda Federalka Somaliya inay ka dalbanayaan in wax laga qabto arintaan, maadaama ay dhib ku qabaan isticmaalka wadada.

Taliska ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa dhawaan beeniyay in ciidamada Xoogga dalka Somaliya ay u yaalaan isbaarooyin gaadiidka lacago looga qaado.

COMMENTS