BALIGUBADLE MEDIA
IS-ICTIRAAFKA DOWLADA FEDERAALKA IYO JAMHUURIYADDA ARDD-SOOMAAL
December 14, 2017 - Written by admin

Waxaan umalaynayaa in maanta iyo wakhtigan aynu taaganahey in caqliga fayoobi garawsan karo in lasoo gaadhey marxaladii ay is-ictiraafi lahaayeen Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland. talaabadan oo si niyadsami ah loo qaado waxay horseedi karta in la oogo Cadaalad( Justice) abuurta Ihsan(Beneficence) keeni karta in la higsado hayat al-tayyebah nolol wanaagsan(high level of good life) oo gaadhsiisa guusha adduunka iyo ta Akhiroba in ay labadan ummadood ee ka soo kala jeeda Federaalka Soomaliya iyo Jamhuuriyadda Ardd-Soomaal  ku wada nooladaan iyagoo labo-dowladood oo jaarah. Caalamku maanta maaha caalamkii shaleyto, siyaasadihii addunkuna intaas wuu is-laba rogayaa oo wuxuu la jaanqaadaya duruufaha iyo maslaxadda kolba wakhtigii la marayo. Waxaa xaqiiqa in aynu ka wada dheregsanahey loona baahneyn inaynu dib ugu jaleecno waayihii, taariikhihii iyo sooyalaadii hore ee ay isla soo kaca-kufeen labada qowmiyadood ee Jamhuuriyada Arrd-Soomaal iyo Jamhuuriyadii Soomaliya laga soo bilaabo wakhtigii xornimada la qaatey illaa laga soo gaadho wakhtigii burburka Jamhuuriyaddii la odhan jirey Soomali Democratic Republic. Maanta waxaa bilaabmey dabeyl iyo waayo cusub, oo Ardd-Soomaal(Northern Somalia) la soo noqotey xornimadeedii oo kaamil ah iyo In Jamhuuriyaddii Soomaliyana la soo noqotey Jamhuuriyadda federaalka ee Koonfurta Somaliya (Southern Somalia). Caalamkuna waa ina daawanayaa sidii aynu dowladnimadeena jaarka u xalin lahayn, iskuna-ictiraafi lahayn oo iyaga ay naxdin ku tahey in Somaaliyadii hore  isku-ictiraafaan  dhalashada laba jamhuuriyadood oo quwad leh sidii ay ahaan jirety Isticmaarka ka hor.

1960 markii calanka la qaatey maysan jirin duwal-caalami ah oo ku qasabtey Somaliland inay raadiso shanti  Soomaliya laakiin waxay ahayd iraadada shacbiga Somaliland iyo jacayl iyo raqbad  u haysey in Somaali oo dhammi midowdo. Taasi waxay ku tusaysaa oo aysan cidina dafiri Karin in Arrd-Soomaal ay hayd tii dhashey Soomaliya. Nasiib darase wey-suurtageli weydey inay isu-yimaadaan shanti Soomaliya oo rag siyaasadda uga shaadhadh weynaa oo caalamka ku xidhnaa baa is-hortaagey talaabadii ugu horeysayna waa lagu fashilmey taaso ay u raacdo in tusbaxii ugu horeeyey ee soomali-weyn ay kala daadisey Dowladda Jabuuti oo gooni isu taagtey qaadatey madax-bannaani u gaara. Jabuuti talaabo caafimaad qabta ayey waagaas ku dhaqaaqdey iyadoo meel fog ka arkaysey inaysan mustaxiil ahayn in shan Soomaliyeed isu-yimaadaan madaama Arrd-Soomal ay ku guul-darreysatey talabadeedi kowaad ee  ku tegtey Muqdisho oo iyagiiba laga soo dulmiyey xaqoodi iyo xornimadii ay usoo dagaalameen. Maantase  waxaa muuqata oo dhabowdey in xayndaabkii isku-xidhnaa Soomali-Koonfureed ay ku dambeysey inay noqoto dowlad-goboleedyo maamulo kala gooni ah u taagan.  Maantana sidii 1960 oo kale, ma –jirto   dowladdo iyo cid kale oo isku-keen qasbaysa inaynu  mar-labaad midowno.   waxaase mudnaantu tahey in sidii aanu idinku nimid 1960 kii (bidduun-qayd-washard) aynu maantana u kala-baxno oo is-ictiraafno ahna meesha keliya ee danteenu ku jirto kuna soo celino sharaftii Soomali caalamka ku lahaan jirtey iyadoo weji cusub u yeelna iyo xidhiidh ka xoog badan kii hore sameyna inagoo ah laba-dowladood oo mandaqada geeska Afrika ku soo biirta.

Madaxweynaha doorashada ku guuleystey Muuse Biixi Maxamed iyo xukuumadiisa cusub ee fooda inagu soo haysa, waxaan iyagan leeyahay hawsha maanta idin hor yaala ma- badna  marka loo eego halihii ay soo qabteen wakhtiiyaddii adkaa ee SNM ee Mujaahid Muusena goob-jooga u ahaa iyo dowladihii idinka horeyey ee Abdirahman Ahmed Ali Tuur, Mohamed Haji Ibrahin Egal, Dahir Riyale  Kaahin iyo Ahmed Mohamed Mohmoud Siilanyo. Maanta waxaa haddaba idin-horyaala oo la idinka fadhiyaa waa Ictiraaf-doonka wadanka Jamhuuriyadda Arrd-Soomaal. Haddaba xagee bey ka dhowdahey Ictiraafka ee laga helayaa? Nin baa berri isagoo lugeynayaa wado weyn oo laydhku ka baxayo ayaa meel dariiqa u dhow oo madow ku leexdey, markaas baa muraaydaddi indhaha ee u xidhnaa meeshi kaga dhacdey, markaasu hore u heli waayey mugdiga awgeed. Ninkii baa intuu kusoo noqdey meeshii iftiinka lahayd ee laydhku ka baxayey ayuu dhulka eeg-eegey sidii qof wax baadi goobaya , dabadeeto waxaa meeshii ugu yimid nimankii amaanka ciidamada buliiska. Waxay ku yidhaahdeen, waar maxaad meeshaan iftiimaysa ka raadinaysa? Wuxuu ugu jawaabey in Muraayadii u xidhnaa ay kaga luntey meeshaas madow, markaa waxaan is-lahaa bal meeshan iftiimaysa ka raadi inaad ka hesho. Waxaan dulucda ugala jeeda Ictiraafka Somaliland ma saarna daarahan widh-widhiya ee United Nations iyo dowladaha caalamka laakiinse ay tahey sidii aynu uga wada shaqeyn lahaydeen xidhiidh wanaagsan oo saaxiibtinimo ah la yeelataan  dowladda Federaalka iyo wada-shaqeyntii sidii loo kala-bixi lahaa iyadoo la isu ictiraafo laba-dowladood.

W/Qorey M Adaweh  ([email protected])

COMMENTS