BALIGUBADLE MEDIA
Iiraan oo Xuutiyiinta “siisay” gantaalladii Sacuudiga lagu weeraray
December 15, 2017 - Written by admin

Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa soo bandhigtay wax ay sheegtay in ay yihiin haraaga gantaallo ay dowladda Iiraan siisay mucaaradka Yaman.
nikki
Gantaaladan ayay Xuutiyiinta u isticmaaleen weerar ay ku qadeen dhulka Sacuudiga.

Mar ay ka hadlaysay haraadigii gantaaladaasi ay soo bandhigtay ayay sheegtay in ay tahay mid muujinaysa sida ay Iiraan u hurinayso colaadda bariga dhexe.

Iiran ayaa beenisay eedeeynta loo soo jeediyay ee ah in ay horinayso colaadaha bariga dhexe iyo in ay Xuutiyiinta hub siisay.

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in Mareykanka ay doonayaan in ay qariyaan dambiyada dagaal ee ay Sacuudiga ka gaysteen Yamen.

Xuutiyiinta ayaa dalka Yamen kula dagaalamaya xulafada ay hogaamiyaan Sacuudiga.

Horraantii bishan ayay ahayd markii kooxda Xuutiyiinta ay dileen madaxwaynihii hore ee Yamen Cali Cabdalle Saalax.

Bbc somali

COMMENTS