Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Oo Ugu Baaqday Qaramada Midoobay In Ay Xayiraad Ku Soo Rogto Dhaxal Sugaha Sacuudiga
December 22, 2017 - Written by admin
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay in ay xayiraad ku soo rogto Dhaxal Sugaha Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman oo lagu eedeeyay xadgudubyo loo geystay Yemen.
Ku xigeenka agaasimiha hay’adda xuquuqda aadanaha Akshaya Kumar, ayaa sheegtay in dhaxal sugaha Sacuudi Carabiya uu ka masuul yahay xadgudubka gudaha Sacuudiga iyo dhibaatada bani’aadamnimo ee sii socota ee ka jirta dalka deriska la ah ee Yemen.”
Kumar ayaa sheegtay in dib u habeynta Mohammed bin Salman, sida haweenka u oggolaanaya in ay wadaan gawaarida, furitaanka waxbarashada jimicsiga ee gabdhaha, iyo masraxyada filimka in ay furaan, ay ahaayeen “tallaabooyin muhiim ah”, laakiin waxay ka digtay dhibaatooyinka Amiirka u ka gaysanayo meelaha kale.
“Dagaalka Yaman, iyo doorka weyn ee xilka wasiirka difaaca, ma aha kuwa si aan fiican u sharxi kara hoggaamiye dhalin-yar ah,” oo aragti iyo isbadal doon ah ayay tiri.
Kumar ayaa hadalkeeda raacisay maaddaama xaddidaada la saaray Yaman ay halis galinayso qarkana ay u saaranyihiin malaayiin qof macaluusha iyo faafinta cudurrada caadiga ah ee la daaweyn karo, ma aha in Amiirka Mohammed bin Salman loo ogolaado inuu suubiyo waxa uu rabo.
Sources: universaltvsomali
Like this:
Like Loading...
COMMENTS