Hayadda Unicef Oo Soo Saartay Warbixin Digniin U Diraysa Caruurta Isticmaasha Internetka
December 11, 2017 - Written by admin
Hay’adda caruurta aduunka ee UNICEF ayaa ugu baaqday shirkadaha dhanka tiknoolajiyada in ay qaadaan tallaabooyiin dheeraad ah oo da’yarta lagaga ilaalinayo waxyeelada internetka.
Hay’ada UNICEF ayaa sheegtay in maalin walba in ka badan 170,000 oo carruur ah ay markii ugu horeysay isticmaalaan internetka.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in ay sare u kacday carruurta isticmaasha baraha wax lagu qoro.
Hay’adda carruurta ayaa imika ku baaqaysa in sare loo qaado aqoonsiyada lagu hubiyo da’da dadka isticmaala internetka.
Warbixinta ay soo saartay UNICEF ayaa soo jeedinaysa in marka caruurta ay isticmaalayaan baraha bulshada ay shirkaduhu heerka ugu sareeya gaadhsiiyaan ilaalinta macluumaadka gaarka ah ee carruurta.
Source: bbc
Source:- BBCsomali
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS