BALIGUBADLE MEDIA
Hay’adda Unicef Oo Soo Saartay Warbixin Digniin U Diraysa Caruurta Isticmaasha Internetka
December 11, 2017 - Written by admin

Hay’adda caruurta aduunka ee UNICEF ayaa ugu baaqday shirkadaha dhanka tiknoolajiyada in ay qaadaan tallaabooyiin dheeraad ah oo da’yarta lagaga ilaalinayo waxyeelada internetka.
unicef
Hay’ada UNICEF ayaa sheegtay in maalin walba in ka badan 170,000 oo carruur ah ay markii ugu horeysay isticmaalaan internetka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ay sare u kacday carruurta isticmaasha baraha wax lagu qoro.

Hay’adda carruurta ayaa imika ku baaqaysa in sare loo qaado aqoonsiyada lagu hubiyo da’da dadka isticmaala internetka.

Warbixinta ay soo saartay UNICEF ayaa soo jeedinaysa in marka caruurta ay isticmaalayaan baraha bulshada ay shirkaduhu  heerka ugu sareeya gaadhsiiyaan ilaalinta macluumaadka gaarka ah ee carruurta.

Source: bbc
Source:- BBCsomali

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS