BALIGUBADLE MEDIA
Hawlihii Shaqo ee G.D Hargeysa oo Fadhiistay, Maayarka oo Dilaal Isku Badalay + Warqad Xukuumaddu U Qortay Soltelko oo Aanu Helnay (Akhriso)
December 20, 2017 - Written by admin

hawlihii shaqo ee golaha deegaanka hargeysa ayaa gabi ahaanba fadhiistay kadib markii ay xafiisyadooda kaba soo xaadiri waayeen maayarka iyo ku xigeenkiisu

soltelko3
dhanka kale maayar soltelko ayaa isagu laf dhuun gashay ku noqday hawlaha shaqo ee golaha deegaanka caasimadda kadib markii uu ku fashilmay masuuliyadii loo igmaday islamarkaana uu hawlihiisii shaqo ka doorbiday lunsiga iyo dhaca hantida umadda isagoo maalmihii u dambeeyay iibiyay dhulkii haayadda WFP ee masalaha , hoolkii waynee ee inji oo uu sifo sharci darro ah lacagtiisii ku qaatay iyo sidoo kale musuqmaasuq baahsan oo uu kula kacay dhaqaalihii yaraa ee ku aadanaa cashuurta umadda isagoo gaadhi nooca aan rasaastu karin ah oo qiimihiisu yahay 200 oo kun oo dolar gurigiisa iskaga dhigtay islamarkaana ka dhaga adaygay amar hanti dhawraha guud ee qaranku ku siiyay ugu gudbiyay inuu gacanta dawladda ku soo celiyo gaadhigaas uu gurigiisa gaystay.

dhanka kale waxa ilaa hadda aan qabsoomin kalfadhiyadii golaha deegaanka caasimadda kuwaas oo isaga awgii u xaniban iyadoo maayar ku xigeenkiina safar bilaa fasaxa ku jooga adisababa

ilaa iyo hadda dawladda hoose ee hargeysa ayaan laga ansixin miisaaniyadii sanadka 2018 oo bishii sagaalaad la dhamaystiray balse u xaniban maayar soltelko kalfadhi la’aan maadaama oo duqii caasimaddu hawlihiisii shaqo ku fashilmay.

ku darsoo wuxuu maayarku isku si ba’an u xaraashay mudadii kala guurka dhulkii danta guud taas oo uu sifo sharci darro ah u iibiyay islamarkaana aanu ku ridin khasnadda dawladda ee uu jeebkiisa ku ritay
waxaanu soltelko durba isbidayaa awood aan hore loogu aqoon oo ku aadan inuu adeerkii dalka madaxwayne ka yahay islamarkaana aanay jirin cid wax ka qaadi kartaa

hadaba wasaaradda arrimaha gudaha somaliland ayaa looga baahanyahay inay si degdega talaabo uga qaado maayar soltelko oo noqday maayarka kaliya ee kursiga isa siiyay waxaa kaloo umaddu madaxwaynaha cusub ka filaysay inuu cadaaladda ka bilaabo inamadda uu adeerka u yahay ee hantidii umadda siday doonaan ugu takri falay waxaase ilaa hadda umaddu ka war sugaysaa go’aanka madaxwayne muuse biixi ka qaadan doono maayar soltelkaha fashilmay

halkan ka akhriso warqad wasaaradda arrimuhu guduhu u diray maayarka oo ku saabsan dhulka uu iibiyay ee haayadda WFP inaan lagu dhici karin in  la iibiyo maadaama oo ay haayad caalami ahi leedahay

warqad wfp

Axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia.com

Hargeysa/Somaliland

[email protected]

COMMENTS