BALIGUBADLE MEDIA
Hawada Somaliya oo si buuxda looga maamuli doono Magaalada Muqdisho shan maalmood ka dib
December 24, 2017 - Written by admin

Wasiirka gadiidka iyo duulista hawadda Soomaaliya  Maxamed C/llaahi Oomaar oo ku sugan magaalada Edmanton ee gobolka Alberto ee dalka Canada ayaa sheegay in muddo usbuuc gudihiisa si buuxda looga maamuli doono hawada Soomaaliya gudaha magaalada Muqdisho.
oomaart
Wasiirka  ayaa yidhi “Illaahaa mahadda leh, waxaan ugu bishaareynaynaa shacabka Soomaaliyeed sidii aan balanqaadnay in 28ka bishan (5 maalmood kadib) aan si rasmi ah ula wareegeyno hawada dalka oo dhan, waxaanu qaban doonnaa xaflad ballaadhan oo lagu dahfurayo xafiiska magaalada Muqdisho”.

Waxa uu intaa ku daray wasiirku in dad ajinabi ah iyo kuwa kale ee Hay’adda ECAOay ku lug lahaan doonaan xafiiska magaalada Muqdisho ilaa aan tababarno shaqaale Soomaaliyeed oo awood u leh in ay maamulaan hawadda.

“Malintii aan u diyaar garowno in aan awood u yeelano si rasmi ah ayay shaqaalaheena shaqada keligood maamuli doonaan, inta ka horeysa tababara ayaan siinaynaa, muhiimadduna waxa ay tahay in dowladda Soomaaliya ay la socoto maamulka hawadeeda” ayuu yidhi Wasiir Omar.

Ahmiyadda ugu weyn ayuu wasiirku sheegay in ay tahay in Soomaaliya hawadeeda ay maamuladto muddo 27 sano kadib,wuxuuna intaasi ku daray in haddii dalku uu isaga maamulan hawadiisa ay micneheedu tahay in weli xorriyad buuxda jirin, wuxuuna taasi uu ku tilmaamay guul u soo hooyatay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS