BALIGUBADLE MEDIA
Halista Foosha Xun ee Ka Soo Socota Kornaylka Kursiga Xaaraanta Lagu Saaray Halaga Digtoonaado “Qalinkii Cabdiqani Saalax”
December 14, 2017 - Written by admin

waxaan marka hore halkan ka salaamayaa dhamaan inta qalinka ku cabirta afkaarteeda intaas ka bacdi waxaan maanta qalinka u qaatay inaan halkan kaga hadlo shakhsiyadda foosha xun ee kornaylka askariga ah ee sifadda xaaraanta ah kursiga ku fuulay oo cid kasta oo khayr ka sugaysaa aanay aqoonwanaagsan u lahayn shakhsiyadaas

muuse

runtii inaynu been isku sheegno maaha kornaylkaasina wuxuunbaad eegtaa sifaduu kursiga ku fuulay sifo noocee ah ayay ahayd waxay ahayd sifo qabyaalad qaawani ku dheehantahay waxanynu ogayn in beeshiisa iyo beeshiisa siilaanyo shir balaadhan iskugu wareejiyeen magaaladda burco kursiga markaa waxaabad halkaa ka arkaysaa sifa qabylaadda ah ee kornaylkaasi kursiga ku fuulay

mudanayaal iyo marwooyin maanta somaliland waxay qaaday dhabihii burburka iyo halaaga waxaanay u egtahay inaanay maanta dhabahay qaaday dib uga soo laabanayn muwaadin kasta oo reer somaliland ah waxa ku waajib ah inuu ka fikiro sidii uu ugu diyaar garoobi lahaa dibu xorayn balaadhan oo dalkani u baahanyahay maadaama oo ay awoodii dalka beelo sooc ahi isku warwareejinayaan umadda intii kale hawada laga saaray qof kasta oo reer somaliland ah waxa ku waajib ah inuu dallkiisa iyo dadkiisa u huro xataa hadii ay dhiig loo daadiyo noqonayso waayo maanta waxa dalka ka socda hadaynu aqbalno ilaahayna inoogu naxariisan maayo guntii iyo gabagabadii waar reer somaliland-aw fadhiga ka kaca una diyaar garooba dagaal qadhaadh oo lala galo jeegaanta dalka boobtay

Qalinkii Cabdiqani Saalax

COMMENTS