BALIGUBADLE MEDIA
HAA DII HORE IYO MAYADA KALA DAAYA REER SOMALILANDOW Qalinkii Cabdi Cawiye
December 16, 2017 - Written by admin

Dawlad kooban baanu rabnaa reerkayguna kuraas ha helo kala daaya
Waxaa xaqiiqa in markii lagu dhawaaqay kuraasta dawlada cusub ee MADAXWEYNE MUUSE ay durba
bulshadu isla dhexmarayaan hadalo u badan " reer hebel waxba Lama siin, reer hebel waa lagu
yareeyey"iyo hadalo kale oo deelqaaf ah.

Cabdi-Caawiye
Markii hore dhamaan bulshadu waxay ku riyaaqaysay MUUSOW waxaanu rabnaa dawlad tiro yar oo
tayo leh imika markii lasoo dhisay dawlad Kala badh ka yar tii hore waxaa soo baxaaya qaylo baraha
bulshada qofba reerkooda uu leeyahay waxba lama siin.
Somalidaa waxay tidhaahdaa" ilaahayow afkayga haa iyo maya haka wada yeedhsiin"
Marka laga eego xaga beelaha Somaliland daga cid ka maqani ma jirto n
Bal hadda u fiirso liiska wasiirada iyo beelahooda
1. Sacad Cali Shire Arimaha Dibada Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah — #Ciise #Muuse / #Cumar #Jibriil.
2. Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon Wasiirka Waxbarshada — – #Jaamac #Siyaad / #DhulBahante
3. Cawaale Ibraahin Shirwac Wasiirka Qorsheynta — -Samaroon
4. Maxamed Kaahin Arimaha Wasiirka Arimaha Gudaha — – Reer Daahir / Habar Jeclo
5. Ciise Axmed Cabdala Wasiirka Gaashandhiga — — Warsan Gali
6. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage Wasiirka Maaliyada — Ciidagale
7. Cabdiqani Maxmuud Caateeye Wasiirka Wasaarada Cadaalada — Ciise
8. Sheekh Khaliil Wasiirka Diinta Iyo Awqafta — – Arab
9. Axmed Muumin Seed Wasiirka Beeraha — – Habar Cafaan / Samaroon
10 . Cabdirashiid Xaaji Ducaale Wasiirka Hawlaha Guud — – Dhulbahante
11. Yuusuf Mire Maxamed Boos Wasaarada Ciyaaraha — – Habar Yoonis
12. Dr Cabdilaahi Sheekh Cabdilaahi Wasiirka Boosaha — Jibriil Abakor /Sacad Muuse
13. Maxamed Sacad Iidle Saajin Wasiirka Wasaarada Ganacsiga — – Samaroon
14. Hinda Jaamac Gaani Wasiirka Arimaha Bulshada — – Habar Jeclo
15. Maxamed Axmed Cawad Wasiirka Horumarinta Maalgashiga — Guulane / Arab
16. Xassan Gaafadhi Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumeysiga — Habarjeclo
17 . Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri Barwaaqo Wasaarada Warfaafinta — Makaahiil / Sacad Muuse

18. Shugri Baandaare Wasiirka Deeganka — — Cali Siciid / Habaryoonis
19. Saleeban Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasarada Biyaha — — Nuur Axmed / Dhulbahante
20. Jamac Maxamuud Cigaale Wasiirka wasaarada Macdanta — – Habarjeclo
21. Cabdilaahi Abokor Wasiirka Gadiidka Iyo Horumarinta Jidadka — – Ciise Muuse
22. Maxamuud Xaaji Cilmi Wasiirka Xidhiidhka Golahayasha — Habarjeco
23. Dr Xassan Ismaciil Yuusuf Warsame Wasiirka Caafimaadka — Habaryoonis

Wasiir Ku Xigeenada
1. Liban Yuusuf Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada — Subeer Celi / Arab
2. Maxamed Muuse Diiriye Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha — Sacad Muuse
3. Maxamed Muuse Abeys Wasiir ku xigeenka Warfaafinta — Ciidagale
4. Yurub Abiib Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha — Ayuub
5. Maxamed Daahir Fure Wasiir ku xigenka maaliyada — Toljecle
6. Eng Xussen Buuni wasiir ku xigeenka qorsheynta — Gabooye
7. Cabdiqaadir Dhego weyn Wasiir ku xigeenka waxbarashada — – Ciidagale
8. Cabdnasir Kadin wasiir ku xigeenka caafimaadka — Habar Jeclo
9. Sahal Maxamed jaamac Faraax wasiir ku xigeenka — —

Tiraada Guud beel ahaan
Habar Jeclo– — — — Shan Wasii
Habar Yoonis– — -Saddex Wasiir
Arab– — — Laba Wasiir
Ciise Muuse– — Laba Wasiir
Sacad Muuse– — -Laba Wasiir
Ciidagale– — — -Hal Wasiir
Dhul Bahante– — — — Saddex Wasiir
Samaroon– — — — -Laba Wasiir

Ciise– — — — — Hal Wasiir
Warsangali– — — Hal Wasiir
Haddaba waxaan idin waydiinayaa yaa ka maqan beelaha mid walbaaba wuu ka dhex muuqdaa dawlada.
Guntii iyo gabagabadii waxaan odhan lahaa haddii aad iska dhexweyday liiska waynu ku dooranay oo
wuu inoo sii dardaaran weriyey oo uu yidhi "farteyda eedayeey ayaa dhiciye ha cadhoonina" markaa
cidii reerkooda ama isaguba saluugsanow munaafaqad ha bilaabin.
Horumarka Dalkeeniyo
Hanaanka Dowladnimo
Hadafkiisa Weeyaan
Ilaah Baa Mahada Leh
Dalkeena U Hogaanshay
Ineey Helaan Gargaare
Hiigsanaaya Meel Sare
Hagraneyn Dadkiisee
Habacsanaan Udiida
MADAXWEYNENAHEENA HIIL Qaran
Aan Hareer Galnoo
Wadankeena hadimadiyo
Ka Rogaa Habaaskee
Aan Hareer Galno.
[email protected]
+252634115877

COMMENTS