BALIGUBADLE MEDIA
Guduudo Carwo oo ku geeriyootay Hargeysa
December 7, 2017 - Written by admin

Waxaa saaka magaalada Hargeysa ku geeriyootay, Alle ha u naxariistee, Shamis Abokar (Guduudo Carwo) oo ahayd gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee idaacadii ugu horreysay ee Raadiyaha Hargeysa ka heesta 1952.

guduudo carwo

Shamis Abokar ayaa sannadihii u danbeeyay xannuunsanayd ayaa maanta ku geeriyoodat hoygii ay ka daganayd magaaladda hargeysa.
Abwaan Saxardiid Maxamed Jebiye oo fanka ku soo jiray in ka badan lixdan sano iyo abwaan yuusuf Shaacir ayaa labaduba sheegeen in Guduudi Carwo ahayd gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee idaacad ka heesta.

Xilligii ay Guduudo Carwo billowday in ay heesto, dumarka kumaysan dhiiran jirin fanka iyo ka hadalka idaacadaha.

Doorka dumarka ee ruwaayadihii xilligaa iyo heesaha waxaa matali jiray rag, ka hor inta aysan Shamis Abokar billaabin heesaha. Maadaama dumarka aan lagu aqoon heesaha, taasi waxay sababtay in sannadihii ugu horeeyay la qariyo magaceedii, waxaana loo bixiyay Guduudo Carwo.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS