Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Gaadhay Magaalada Baydhabo
December 25, 2017 - Written by admin
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Baydhabo ayaa lagu sheegay in ay uu la xiriiro sidii uu uga qeybgali lahaa shirka ay isugu imanayaan madaxda Baarlamaanada dowlad goboleedyada iyo baarlamaanka Federalka iyadoo kulankana loogaga hadli doono wadashaqeynta baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada Dalka
Wafdiga uu horkacayo Jawaari ayaa waxaa ka mid ah guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo guddoomiyhaha Baarlamaanka maamulkaasi iyo qeybaha bulshada.
Laakiin kulankan la filayo in uu Baydhabo ka furmo waxaa ka soo horjeestay guddoonka Aqalka sare oo sheegay in uu yahay kulan aan sharciga waafaqsaneyn.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS