BALIGUBADLE MEDIA
Golaha Wasiirada Cusub Ee Somaliland Oo Loo Furayo Tababar Socon Doona Shan Cisho.
December 21, 2017 - Written by admin

Machadka tababarka shaqaalaha dawladda ee CSI ayaa la filayaa inuu tababar shan maalmood ah u bilaabo golaha wasiirada cusub ee uu magacaabay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

golaha wasiiradda

Ma jiro war rasmi ah oo ay machadka iyo madaxtooyadu soo saareen tababarkan, laakiin warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in machadka CSI uu tababarka u bilaabi doono golaha wasiirada cusub Sabtida kaas oo duruusta loo siin doono wada jir.

Duruusta la bari doono ayaa la sheegay inay isugu jiraan kuwo dhinaca shaqada dawladda ah iyo kuwo dhinaca hab-dhaqanka iyo anshax xilka ay hayaan u baahan yahay, maadaama oo ay u badanyihiin dad aan hore uga soo shaqayn xafiisyo sare oo dawladeed.

Tababarka oo la sheegay inay bixin doonaan qaar ka mid ah macalimiinta machadka CSI, ayaa ku yimi codsi ay xukuumaddu u gudbisay machadka. Wuxuuna tababarkani noqonayaa kii u horeeyay ee noociisa ah ee la siiyo golaha wasiirada Somaliland

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS