BALIGUBADLE MEDIA
Golaha Amaanka Qaramadda oo Kulan Degdeg ah Kaga Shiraya Go’aankii Bariga Dhexe ee uu Soo Saaray Madaxwaynaha Maraykanku.
December 8, 2017 - Written by admin

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa waxaa maanta lagu wadaa in kulan deg deg ahi ay ka yeeshaan carrada xoogan ee ka dhalatay aqoonsiga uu Mareykanku Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Israel.

golaha amaanka
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa si adag loogu eedeeyay in uu dhegaha ka fureystay baaqii ahaa, inaanu Quddus u aqoonsan Caasimadda Maamulka Israel.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa Khamiistii sheegay in go’aan kasta oo si gooni ah loo qaato uu halis gelinayo nabadda, waxaana uu ku baaqay in xaaladda Qudus lagu xaliyo wadahadalo dhex mara Falastiin iyo Israel.

Wadamada Jaamacadda Carabta, ayaa Sabtida Barrito kulan deg deg ah ka yeelanaya tallaabada uu Donald Trump Magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku baaqay shir inay isugu yimaadan dowladaha ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka, maalinta Arbacada, si looga hadlo go’aanka Xukuumadda Washington ee Qudus.

Dunida Muslimka iyo Wadamada Reer Galbeedka, ayaa cambaareeyay tallaabada uu Mareykanku ku sheegay in Qudus ay tahay Xarunta Israel.

Sharci Dejiyeyaasha Mareykanka, ayaa sanadkii 1995-kii saxiixay sharci Dowladda Mareykanka u ogolanaya inay Safaaradeeda Israel u wareejin karto Magaalada Qudus, ha yeeshee tan iyo xilligaa Madaxweyne-yaashii Mareykanka soo maray ay dib u dhigi jireen fulinteeda.

Source Universalsomali

COMMENTS