BALIGUBADLE MEDIA
Fannaanad caan ah oo loogu baaqay in aysan bandhig faneed ku qaban Israa’iil
December 26, 2017 - Written by admin

Lorde oo ah gabadh fannaanad ah ayaa sheegtay in laga yaabo in ay baajiso bandhig faneed ay ku qaban lahayd magaalada Tel Aviv ee dalka Israa’iil ka dib markii ay akhriday waraaq furan oo taageereyaasheeda ay u soo qoreen.

Waraaqda waxaa ku qornaa “Waxaan nahay labo gabdhood oo da’yar oo midi Yuhuud tahay midina Falastiiniyad… arrintaas aad ayay noo taabanaysaa”.

lord

Waxay ku baaqeen in bandhig fanneedkaasi uu taageero u muujin doono haysashada Israa’iil ee dhulka Falastiiniyiinta.

Lorde waxay sheegtay in ay la hadlayso dadyaw kala duwan si ay ugala tashato go’aankii ay arrintaas ka qaadan lahayd.

Bandhig fanneedka Lorde ee Israa’iil waxaa su’aal galiyay labo ka mid ah taageerayaasheeda oo ka soo jeeda isla dalkeeda New Zealand.
Justine Sachs oo Yuhuud ah iyo Nadiyaa Abu-Shanab oo Falastiiniyad ah ayaa qoray waraaq furan oo ay u direen fannaanada waxay ku sheegeen “in haddii ay bandhig fanneed qabato ay taasi dirayso fariin khaldan. Ku ciyaaridda Tel Aviv-na loo arki doono taageero loo muujinayo siyaasadaha dawladda Israa’iil, xataa haddii aadan ka hadlin arrin siyaasadeed”.

Warqaddan ayaa timid ka dib markii Donald Trump uu soo bandhigay go’aankiisii muranka badan dhaliyay ee uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil, arrintaas oo horseeday dibad baxyo ka dhacay Bariga Dhexe.

Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ayaa sannado badan isugu dhacsanaa cidda leh Qudus.

Gollaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobayna wuxuu si aqlabiyad uga soo horjeedsaday go’aankii Trump.

Ma aha markii koobaad oo bandhig faneed loo baajiyo xaalad Israa’iil ka taagan.

Qudus: Sidee caasimadaha loo doortaa maxayse ka dhigan yihiin?
Madaxwayne Putin oo ka digey go’aankii Trump ee Qudus

Elvis Costello oo ah heesaa Britain u dhashay ayaa labo bandhig fanneed baajiyay sannadkii 2010kii isagoo ku sababeeyay sida loola dhaqmayo Falastiiniyiinta.

Wakhtigaasna wuxuu yiri: “Waxaa jira wakhtiyo in magacaaga uu ku jiro diiwaanka bandhig faneed loo tarjuman karo fal siyaasadeed oo ka saameyn badan heesaha halkaa laga qaadayo, waxaana dadka qaar ay u fahmi karaan in qofka aanu ka fekerayn dhibaatada haysata dadka aan waxba galabsan.”

Source: bbc somali

COMMENTS